U bood dhigaalka

Madaxweynaha FIFA Sepp Blatter oo Iska Casilaya Xafiiska FIFA

Sheeko:Dalka

Sepp Blatter ayaa sheegay in uu iskaga tagayo xafiiska FIFA kadib markii musuq lagu helay mas’uuliyiinta ugu sareysa FIFA.

Sepp Blatter waxaa uu intaa ku daray in doorashooyin degdeg ah la qaban doono sida ugu dhaqsiyaha badan si loo doorto ninkii isaga badali lahaa.

FIFA waxaa hareeyay Mowjado Musuq ah, 7 ka mid ah saraakiisha ayaa Musuq loo xiray May 27, 2015

Sepp Blatter ayaa todobaadkii hore markii 5-naad loo doortay jagada Madaxweynaha FIFA, waxaa uuna xilkaas hayey 17 sano.