U bood dhigaalka

Soomaalida Ku Dhaqan Kenya Oo Aragti Ka Dhiibtay Darbiga Kenya Ay Ka Dhisayso Xadka Soomaaliya

Sheeko:Dalka

Qaar ka mid ah shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya ayaa aragti kala duwan waxa ay ka dhiibteen darbiga ay dowladda Kenya doonayso inay ka dhisto xadka ay Soomaaliya la wadaagto.

Cabdullaahi Maxamed Maxamuud oo ka mid ah shacabkaan ayaa u sheegay Goobjoog News in marka hore aragti ahaanba aysan la wanaagsaneen in darbi la dhex dhigo xuduudaha Soomaaliya iyo Kenya.

“Kenya in Darbi ay ku xirato Xuduuda ay la wadaagto Soomaaliya ilama wanaagsana, sababtuna waxa ay tahay Labada Dowladood waa kuwo muddo saaxiibo ah, dadkuna is dhexgaleen, laakiinse hadii Kenya ay xiranayso xuduudeeda waa in ay inta xaqqa u leedahay xirataa” ayuu yiri Cabdullaahi Maxamed.

“Magacaygu waa Fu’aad Cali Warsame, Kenya deris ayaan nahay, Soomaaliya ciidamadeeda ayaa ku jira, anaga ka shacab ahaan arintaasi kuma waafaqsanin, waxaana u arkaa mid qalad ah oo xad gudub ah, dhibaato ayeeyna Labada dal u keenaysaa”

Sidoo kale shacabka Soomaaliyeed ee ku nool dalka Kenya ayaa isku aragti ka ahaa in marnaba aan darbigaasi la dhisin, kuna baaqay in laga laabto go’aankaasi maadaama shacabka Labada dhinac uu saameyn ku yeelan doono.

Dowladda Kenya ayaa dhawaan sheegtay in darbi dheer ay ka dhisan doonto xadka ay la wadaagto Soomaaliya, ka dib markii ay sheegeen in amnigooda uu qalqal galay.

Goobjoog News