U bood dhigaalka

Soomaalida Sharci La’aanta Ku Joogta Maraykanka Oo Waqtiga Loo Kordhiyay

Sheeko:Dalka

Wasaaradda amniga Qaranka Maraykanka ayaa sheegtay in dadka Soomaaliyeed ee sida KMG ah, ama sharci la’aanta ku joogta dalkaasi la siiyay waqti dheeraad ah oo gaaraya 18-bil.

Xoghayaha amniga dalkaasi Jeh Johnson hadalkaan ku sheegay War-saxaafadeed uu soo saaray, isaga oo tilmaamay in dowladda Maraykanka aqbashay 18-bil loo kordhiyo dadka Soomaaliyeed ee haysta sharciga KMG ee loo yaqaano TPS.

Go’aankaan ayaa rajo badan ku abuuray dadka Soomaaliyeed ee sida sharci daradda ah ku jooga wadanka Maraykanka, maadaama marxaladda dalka hadda ka jirta aysan saamaxayn in dad Soomaaliyeed lasoo celiyo.

In la helo Sharcigaan KMG ah ee mudada lagu daray ayaa u baahnaan doona buiuxinta Foomam loogu tala galay iyo sidoo kale in su’aalo hor leh la weydiiyo dadka la siinayo.

Goobjoog News