U bood dhigaalka

Taliska Booliiska Gobalka Baay Oo Ka Warbixiyay Amniga Magaalada Baydhaba

Sheeko:Dalka

Taliska ciidanka Booliiska ee magaalada Baydhaba ayaa faah faahin ka bixiyay amniga magaaladaasi oo maalmihii ugu dambeeyay amni xumo ka jirtay.

Taliyaha Booliska Baay Mahad Cabdiraxmaan Aadan ayaa mar uu la hadlayay Goobjoog News waxa uu sheegay in amniga magaalada Baydhaba uu hadda wax badan iska bedalay, islamarkaana ciidamada amniga ay ku howlan yihiin sidii ay u qaban lahaayeen cid walba oo amniga wax u dhimaysa.

Taliyaha ayaa sheegay in ciidamada Booliiska iyo kuwa Nabad sugidda ay howlgalka magaalada Baydhaba si wadajir ah u wadaan, kuna haminaayaan in isbedalka uu sidaan kasii xoogeysto waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ammaanka magaalada Baydhaba iyo guud ahaan gobalka Bay waa mid hagaagsan, ciidamada ayaa xaafad walba, jid kasta iyo guri walba taagan, waxa ay doonayaan inay soo qabtaan dadka nabadda diidan” ayuu yiri taliyaha.

Dilal kala duwan ayaa ka dhacay magaalada Baydhaba, waxaana loo geystay culimo iyo dad kale oo shacab ah, iyadoo taasi ay keentay in ciidamada ay xoojiyaan howlgalada amniga lagu sugayo.

Goobjoog News