U bood dhigaalka

Waxgaradka Muqdisho Oo Ku Baaqay In Laga Fikiro Goobihii La Dejin Lahaa Soomaalida Kasoo Cararaysa Yemen

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan magaalada Muqdisho qaarkood ayaa ku baaqay in laga fikiro goobihii la dejin lahaa shacabka Soomaaliyeed ee kasoo cararaya dalka Yemen oo dagaallo ka socdaan.

Xaaji Maxamed oo ka mid ah waxgaradkaan ayaa u sheegay Goobjoog News in dowladda Federaalka hadda kaalinta ugu weyn laga doonayo, mar hadii dib u dejin ay noqoto.

Meelaha shacabkaasi la dejinayo ayuu sheegay in ay mudan tahay laga fikiro sida amniga, dhismaha iyo qaab walba oo si sahal ah gargaar loogu geyn karo.

“Dowladda ayaa laga doonayaa inay ka fikirto meelaha dib u dejinta loogu sameynayo dadka Soomaaliyeed ee soo cararaya, xerooyinka loo sameynayo Nabad in ay ahaato ayaa laga doonayaa, lama rabo sidii Kaamamkii aan naqaanay in dadka lagu xareeyo amnigoodana la dayaco” ayuu yiri Nabadoonka.

Soomaali badan ayaa kasoo cararaya dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaana sidoo kale jirta kuwo kale oo u baahan in halkaasi laga soo daabulo, maadaama aysan haysan qarash ay kusoo baxaan.

Goobjoog News