U bood dhigaalka

Dalka Imaaraadka oo Xukun Adag Dul Dhigay Dadka Ku Ceytama Baraha Bulshada

Maxkamad ku taallo Abuu Dubi ayaa soo saartay sharciyo adag oo ku saabsan dadka baraha bulshada ku ceytama waa  haddii  caddeymo lagu helo.

Ciqaabta waxaa ay gaari doontaa ilaa rubuc Milyan Dirham, waxaa kaloo xeerka Ciqaabta ku jirta in qofka la tarxiilo haddii uu ajnabi yahay.

Arintan ayaa timid kadib markii ay aad u bateen dadka isku caaya baraha bulshada, taas oo ay ka hadleen Wargeysyada kasoo baxa Imaaraadka.

Mid ka mid ah Maxkamadaha dalkaasi ayaa amartay in mar kale la maxkamadeeyo nin lacag yar lagu ganaaxay kadib markii qof kale uu ku caayey baraha Internet-ka.