U bood dhigaalka

Kenya oo Fasaxday Xawaaladihii Soomaalida Dalkaasi Ka Shaqeynayay

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegey in ramadhaanka dartiis uu go’aansaday in uu fasoxo xawaaladaha Soomaalida.

Isaga oo shalay jeediyey fariin ku socota dadka muslimiinta ah bisha barakaysan ee Ramadaanka awgeed ayuu sheegey in xirnaanshaha xawaaladaha ay dhibaato weyn u keentey Soomaalida tirada badan ee dalkaasi ku nool, badankoodana qaxooti yihiin.

“Waxaan farayaa bangiga dhexe in uu xawaaladaha u celiyo shatigii ay ku shaqeynayeen, islamarkaasina si wanaagsan ula socdo dhaqdhaqaaqa lacagta” ayuu yiri Kenyatta.

Kenya ayaa xawaaladaha xirtey kadib weerarkii lagu qaaday jaamacadda Gaarisa labo bil ka hor, kaasi oo lagu diley wax ka badan boqol ardey.

Xawaaladaha la xirey ayaa waxa ay gaarayaan illaa iyo 13 xawaaladood kuwaasi oo biilalka loogu soo dirayay boqolaal kun oo qoys oo qaxooti u badan oo Kenya ku nool.

Goobjoog News