U bood dhigaalka

Culimada Soomaaliyeed Oo Shacabka Ugu Baaqay In Ay Afuriyaan Dadka Ka Yimid Yemen Ee Danta Yar

Sheeko:Dalka

Mid kamid ah Culimada Soomaaliyeed ayaa ku baaqay in qof walba oo uu afuriyo dadka aan awoodin in  ay helaan wax ay ku afuraan, gaar ahaan kuwa hadda ka yimid Yemen ee aan haysan deegaan iyo cunto midna.

Sheekh Sayid Sheekh Abba Cali Sheekh Cali Maye oo kamid ah culumada Soomaaliyeed ayaa mar uu u waramay Goobjoog News, waxa uu sheegay in loo baahan yahay walaalaha ka imaanaya Yemen in la saacido si naxariista Alle loo helo maadaama Ramadaanku yahay bil barako.

Waxa uu tilmaamay Sheekha in qof walba uu isku dayo inuu qof kale afuriyo si aynaan dadkaasi u dareemin dhibaatada haysata.

Dadka Soomaaliyeed ayuu ugu baaqay ka qeyb qaadashada in walaalahooda  Soomaaliyeed ay ku gacan siiyaan sidii dalka ay dib ugu soo laaban lahaayeen Yemen oo ay haatan ku go’doonsan yihiin.

Waxaa jira muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo ka yimid dalka Yemen, islamarkaana xilligaan aan haysan wax ay ku afuraan, iyadoo shacabka Soomaaliyeedna ay ka doonayaan garab qabasho.

Goobjoog News