U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar: Doon Wada Dad Kasoo Cararay Yemen Oo Soo Gaartay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari waxaa soo gaartay doon lagu magacaabo Sultan, taasi oo waday dad badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen.

Dadkaan ayaa u badan Soomaali, waxaana ku jira tiro aan badneyn oo Yamaniyiin ah, iyadoo tirada dadkaan maanta laga soo dejiyay Dekadda Boosaaso ay tahay 209 ruux.

Dadkaan yimid ayaa isugu jira 79 Caruur ah, 57 dumar ah iyo 73 rag ah, waxaana 23 ka mid ah dadkaasi la geeyay Isbitaalka maadaama ay xanuunsanaayeen.

Sidoo kale dadkaan ayaa la geeyay xeradii loogu tala galay in ay ku nastaan ee Puntland u diyaarisay, waxaana hadda xeradaasi dadka ku sugan tiradooda guud ay tahay 255 qof, ka dib markii dadkii kale loo kala diray deegaanada ay rabeen.

Dhanka kale Guddiga badbaadinta Qaxootiga ee ku sugan magaalada Boosaaso waxa ay sheegeen in Seddax Maalin gudahooda uu kusoo wajahan yahay Markab weyn oo wada Muwaadiniin Soomaaliyeed, kaasi oo aan ahayn Nawaal 3 oo isna kumanaan qof kasoo wada magaalada Mukalla ee dalka Yemen.

Goobjoog News