U bood dhigaalka

Imise Musharrax Ayaa u Taagan Doorashada Xilalka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Iyo Ku Xigeenadiisa?

Sheeko:Baarlamaanka

Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa goor dhaw la filayaa in ay ka bilaabato doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo ku xigeenadiisa, waxaana xilalkaasi isku soo taagay dhowr musharax.

Gudoomiyaha guddiga doorashadaan Maxamed Mire Axmed ayaa u sheegay Goobjoog News in maanta lagu kala bixi doono doorashadaan, islamarkaana musharraxiinta ay yihiin kuwo diyaarsan, waxaana tirada Musharraxiinta xilalkaasi u taagan uu inoogu sheegay 7 xubnood.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in xilka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ay isku soo sharaxeen 3 mudane, ku xigeenka Koowaadna ay isku soo sharaxeen 3 mudane, halka Gudoomiye ku xigeenka Labaad uu isku soo sharaxay Hal Mudane.

Codka qaab loo qaadayo ayaa noqon doonta mid qarsoodi ah oo xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug waxa ay ku codeyn doonaa Sanaadiiq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News