U bood dhigaalka

Taariikh Nololeedka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir (Akhriso)

Sheeko:Dalka

Cali Gacal Casir, Waxaa uu ku dhashay magaalada Muqdishu bishii October 1960-kii, Waxabarashadiisii dugsi hoose/ dhexe, sare ilaa Jaamacad, Waxaa uu ku qaatay isla caasimadda Muqdishu.

Cali Gacal Casir, Waxaa uu ahaa ganacsade, Waxaa uu 2009-kii ka mid noqday baaralamaankii KMG ahaa ee dowladdii Sheekh Sharif Sheekh Axmed, Mudada afarta sano ah ee uu baarlamaanka ku jiray waxaa uu ka mid ahaa guddi hoosaadyadii Baarlamaanka Soomaaliya.

Mar uu ka hor hadlay baarlamaanka Galmdug waxaa uu sheegay in haddii la doorto uu Khibradii baarlamaanka Soomaaliya uu geyn doono Galmudug.

Wixii Faahfaahin ah, Kala soco: Goobjoog News.