U bood dhigaalka

Baarlamaanka oo Wasiir Ku Celiyey Guddiga Adeegga Garsoorka oo Muran Badan uu Ka Dhashay

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka federaalka ayaa maanta wasiirka caddaalada Cabdullaahi Jaamac Axmed Ilkajiir ku celiyey qoraal afka Ingiriiska ku qornaa oo ka hadlkayay taariikh nololeedka xubnaha guddiga addeega garsoorka oo la horgeeyey baarlamaanka.

Waxa ay xildhibaanada sheegeen in qoraal kasta oo loo gudbinayo baarlamaanka ay tahay in uu ku qornaado afka Soomaaliga.

Sidoo kale waxa ay xildhibaanada ka biyo diideen sharaxaada uu wasiirka ka bixiyey sababta 5 xubnood oo guddigani ka mid ah kaliya ugu soo gudbiyey baarlamaanka iyada oo dastuurka uu dhigayo in guddiga uu ka koobnaado 9 xubnood.

Wasiirka oo la hadlay xildhibaanada ayaa muujiyey sida uu oga madax jabsanyahay qodobo iska hor imanaya oo ku kala jira dastuurka iyo xeerka uu baarlamaanka ansixiyey ee dhismaha guddiga adeegga garsoorka.

Waxa uu wasiirka sheegey in xubnaha uu soo gudbiyey uu ku saleeyey xeerka, sidaasi darteedna maadaamaa guddoomiyaha maxkamadda sare iyo xeer illaaliyaha ay dhisanyihiin, labo xubnood oo kalana ay laalanyihiin oo ay tahay in uu guddigani magacaabo sida guddoomiyaha maxkamadda dastuuriga iyo garyaqaanka guud, uu soo gudbiyey shanta xubnood ee dhiman.

Hase yeeshee xildhibaanada waxa ay qabaan in dastuurka uusan dhigeynin xeer illaaliyaha guud, sidoo kalana waxa ay dood ka keeneen in qofka garyaqaanka ah ee ururka garyaqaanada ay soo xulayaan uusan ahayn nin kalsooni ka heysta bulshada rayidka ah.

Wasiirka oo hadalkaasi ka xanaaqay ayaa yiri “Nina bulshada rayidka ah sumcad kuma lahan, qof kasta beeshiisa ayuu saciim u yahay” .

Waxa uu sidoo kale isweeydiiyey “Yaa soo magacaabaya maxkamadda dastuuriga , xeerka waxa uu dhigayaa in golaha adeegga garsoorka uu soo magacaabayo, dastuurka iyo xeerkaba idinka ayay idinka wada yimaadeen ee si uun wax dhaha”.

Marka ay dooda halkaasi mareyso ayaa guddoomiyaha baarlamaanka waxa uu amray in wasaaradda iyo guddiga caddaalada ee baarlamaanka ay dib isugu noqdaan, islana soo falanqeeyaan waxyaabaha la’isla fahmi waayay, kadibna guddiga lagu soo celiyo baarlamaanka.

Mid ka mid ah xildhibaanada oo hadlay ayaa sheegey in xeerka guddiga adeegga garsoorka uusan madaxweynaha saxiixin, islamarkaasina uusan kusoo bixin faafinta rasmiga ah, sidaasi darteedna aanay sharci ahayn in guddiga la horkeeno baarlamaanka.

Goobjoog News