U bood dhigaalka

Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Galmudug iyo Musharixiinta Madaxweynenimo

Shalay oo ahayd maalin sabti ah taariikhduna ku beegneyd 27-da bisha June, 2015-ka waxaa magaalada Cadaado lagu doortey guddoomiyaha iyo labadiisa ku xigeen ee baarlamaanka Galmudug, waxaana xilalkani ku tartamay musharixiin kala duwan oo ugu dambeyntii ku kala baxay sanduuqa codbixinta.

Xilka Guddoomiyaha oo ahaa kan tartanka ugu badan loo galay ayaa waxaa wareeggii ugu dambeeyey isugu soo haray labada muwaadhin ee kala ah Cali Gacal Casir iyo Cabdullaahi Gaafoow Aasbore, waxayna guusha ku raacday Cali oo heley 48 cod, halka Aasbore uu heley 36 cod.

Waxa dhacay kaliya ma ahan codka aqlabiyadda ah ee uu ku guuleystey mudane Cali Gacal ee sidoo kale waxaa lala yaabay sababta keentey in musharaxa Cabdullaahi Gaafoow uu wareeggii koowaad helo 38 cod, kii ugu dambeeyeyna uu lumiyo 2 cod, iyada oo xitaa uu meesha ka baxay musharixii sedexaad ee tartanka ku jirey, markii horana uu ka cod badnaa musharaxa guuleystey.

Haddii si kale loo dhigo, Cali Gacal kaliya ma uusan helin dhamaan codadkii musharixii sedexaad ee wareegga koowaad ku haray mudane Cabdirisaaq Xuseen Maxamed , ee sidoo kale waxa uu wax ka heley codadkii uu heley musharixii la tartamayay Cabdullaahi Gaafoow wareeggii hore.

Marka ay doorashadii dhamaatay ee la ogaaday natiijada ayaa waxaa loo noqdey in la darso, islamarkaasina la falanqeeyo waxa ay ka dhigantahay doorashadani marka laga hadlayo tan madaxweynenimada ee dhawaan iyaduna dhici doonta.

Tartanka madaxweynenimo oo ay u taaganyihiin musharixiin farabadan, balse ay ugu cadcadyihiin illaa 5 musharax ayaa waxaa hubaal ah in aysan u sahlanaan doonin sida tan guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku xigeenadiisa oo midkood xitaa waayay cid la tartanta.

Musharixiinta saadaashaa ololaha iyo xagga dhaqdhaqaaqa ku horeeya waxaa ka mid ah Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Axmed Macalin Fiqi, waxaana xusid mudan in labaduba ay kala taageerayeen musharixiintii guddoomiyaha baarlamaanka ee ka aguuleystey.

Dad xog ogaal ah waxa ay Goobjoog u sheegey in guddoomiyaha la doortey uu taageero ka heystey musharaxa Axmed Macalin Fiqi, halka kan laga guuleystey uu taageero ka heystey Cabdikariim Xuseen Guuleed, taasi oo micnaheedu noqon karta in wajigii koowaad ee tartanka labada nin u dhaxeeya uu markani Fiqi ku guuleystey.

Inkasta oo cidda madaxweynaha soo dooranaysa uusan ahayn guddoomiyaha la doortey, haddane waxaa laga qiyaas qaadanayaa inta xildhibaan ee guddoomiyaha dooratay, waxayna taasi muujin kartaa cidda ay hadhoow codka siin doonaan.

Dadkuse waxay leeyihiin, wali lama gaarin xiligii uu dabaaldagi lahaa mid ka mid ah musharixiinta, xiyo xili uu musharax ka quusto tartanka oo uu noqdo “Nin Col Hortiis Jabay”, ciyaari waa galin dambe waa tii la yiriye, waxaa lagu qasbanyahay in la sugo illaa inta doorashada la gaarayo xiligeeda.

Prof. Yaxye Cali Faarax oo ka mid ah aqoonyahanada Soomaaliyeed ee u dhuun duleela siyaasadda, gaar ahaana xog ogaal ka ah arrimaha gobolada dhexe ayaa Goobjoog u xaqiijiyey in ay jireen kooxo siyaasadeed oo meesha ku hardamay, wuxuuna yiri “cadaado waxaa ku tartamay si maldahan garabyo siyaasadeed, oo uu loolan ka dhaxeeyey, ma jiraan xisbiyo la yaqaano oo magac leh, laakiin haddane waxaa jirey dad mabaadii’ siyaasadeed oo kala duwan leh, oo xafiisyo kala duwan ka socda, oo halkaasi ku hardamay, waana nidaamka xalaal ka dhigaya meeshan, ciddii heshaana lagu bogaadiyo” .

Tani waxa ay muujin kartaa in inkasta oo maamulka lagu saleeyey hab beeleed, haddane sida wax u dhaceen yihiin qaab ka taloowsan beelo, kuna socota wadada quruxda badan ee ah in afkaar siyaasadeed lagu midoobo.

Siyaasadu waa gorgortan iyo ishaafalateyn, haddii qofka uu halmar wax ilduufana waa ay adagtahay in uu kasoo kabsado qasaaraha soo gaara, sidaasi darteed waxaa muuqata in kooxahani midkood uu ilduufey jarta siyaasadeed.

Waxaa naloo sheegey in guusha guddoomiyaha baarlamaanka ay ku timid gorgortan iyo heshiis lala gaaray ninka ku guuleystey guddoome ku xigeenka koowaad oo isagu heystey hal kurjad oo codad ah oo isku xiran oo beeshiisa ah, heshiiskana waxa uu ahaa balanqaad in guddoomiye ku xigeenka labaad uu helayo isaga.

Sidaasi darteed markii lasoo gaaray wareeggii labaad waxaa sahlanaatey in Musharax Xareed Cali Xareed uu wareeggii koowaadba ku guuleystey cod aqlabiyad ah 58 cod , isagoo ka guuleystey musharixiintii kale ee Maxamed Xasan Xuseen oo heley 21 cod iyo Cabdulaahi Xirsi Maxamed oo isna heley 3 cod oo kaliya.

Markani aad looma qiyaasi karo garabyada siyaasadeed ee ay kala ahaayeen musharixiinta xilkani u tartantay maadaamaa heshiiska aan soo sheegney uu ahaa mid dhacay daqiiqadihii ugu dambeeyey ee doorashada.

Labada tartan ee hore waxa ay wadada u xaartay in mudane Maxamed Sheekh Maalin uu banaan cad ka qaato xilka guddoomiye ku xigeenka labaad, kaasi oo aysan jirin cid kula tartantey, tanina waxa ay noqoneysaa arrin ugub ku ah siyaasadda Soomaalida.

Sida ku cad diiwaanka taariikh nololeedka sedexdani mas’uul ee la doortey, dhamaantood waa dad aqoonyahaniin ah oo lagu tilmaami karo in ay yihiin dadkii mudnaa ee hoggaanka u qaban lahaa hey’ad dastuuri ah tii ugu horeysey oo ay yeeshaan gobolada Mudug iyo Galgaduud oo cid kasta ay ka dharagsantahay dhibaatada ay tahay in laga samatobixiyo.

Si gaar ah guddoomiyaha waxa uu horey usoo noqdey xubin baarlamaanka federaalka, isaga oo isla baarlamaanka kasoo noqdey guddoomiyaha mid ka mid ah guddi hoosaadyada, tani waxa ay ka dhigantahay in uu si wanaagsan u garanayo shaqada ay tahay in uu qabto baarlamaan iyo sida loo hoggaamiyo maadaamaa uu ku jirey guddiga joogtada ee baarlamaanka dhexe.

Balse wax kasta waxa ay ku xirnaan doonaan sida garabyada siyaasadeed ee gobolada dhexe ay oga go’antahay in maamulka Galmudug uu shaqeeyo, lagana mirodhaliyo.

Goobjoog News