U bood dhigaalka

Gudoomiyaha Jalalaqsi “Waxaan Ku Jirnaa Go’doon”

Sheeko:Dalka

Maamulka degmada Jalalaqsi ee gobalka Hiiraan ayaa sheegay in xaalad adag oo dhanka nolosha ah hayso shacabka ku dhaqan degmadaasi, ka dib markii ay soo wajaheen dadkaasi xaalado adag is biirsaday.

Gudoomiyaha degmadaasi Maxamed Cabdulle Fiidow ayaa u sheegay Goobjoog News, in dadka Biyo ay ka xireen wadooyinkii ay isticmaali jireen, sidoo kalena deegaanada qaar ay Al-shabaab xirteen.

Waxa uu sheegay in dadkaan ay hayso Biyo La’aan, raashiin yari, iyo xarumo caafimaad oo aan shaqeyneyn, isaga oo tilmaamay in dhibaatooyinkaasi oo jira hadana lagu guda jiro bisha Ramadaan.

“Dadka jalalaqsi ku nool marka hore waa Nabad, balse waxay ay ku jiraan Go’doon, jidadkii wax soo mari lahaa biyo ayaa jaray, meelaha qaar cadowga ayaa jooga, Ramadaan ayaa lagu jiraa, raashiin, niyo iyo Isbitaallo maleh” ayuu yiri gudoomiyaha.

Ugu dambeyn gudoomiyaha ayaa sheegay in dowladda Federaalka ay ka gaabisay wax u qabashada dadkaasi dhibban, islamarkaana iyaga ka maamul ahaan ay dadkaasi u gurmadeen, inkastoo baahiyaha jira aysan dabooli karin.

Goobjoog News