U bood dhigaalka

Xildhibaanada oo Wasiirka Arrimaha Gudaha Weeydiistey Liiska Dhamaan Dadkii Codsaday Shaqada Guddiyada Madaxa Banaan

Sheeko:Baarlamaanka

Markii uu maanta hortagay baarlamaanka wasiirka arrimaha gudaha iyo federaalka Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen waxa uu difaacay xalaal ahaanshaha labada guddi ee kala ah kan doorashooyinka iyo kan federaalka iyo xuduudaha, isaga oo sheegey in ay yihiin dadkii ugu habboonaa ee laga xushey kuwii araajida soo dirsaday.

Hase yeeshee xildhibaanada waxa ay wasiirka ka doonayaan in uu baarlamaanka u gudbiyo dhamaan dadkii araajida soo qortey oo tiradoodu gaareyso 356 qof, si markaasi loo ogaado qofka aqoontiisu sareysey una qalmay shaqada balse qof kale laga doorbidey, haddiiba ay taasi dhacday.

Xildhibaanada qaarkood ayaa sheegey in qaabka loo maray guddiyadani ay ahayd arrin aanan sharciga waafaqsanayn, maadaamaa qodobka 111-aad ee dastuurka uu dhigayo in maamul goboleedyada lagala tashto soo xulista guddiyadani, islamarkaasina maamul goboleedyada ay dhamaantood diideen xubnaha guddiyadani.

Balse wasiirka ayaa sheegey in dastuurka uusan kala caddeyneynin qaabka wadatashiga loo marayo, wuxuuna intaasi ku daray in muddo badan ay waqti galiyeen guddigani, mariyeena dhamaan dariiqyadii ay ahayd in la mariyo.

Xildhibaanada qaar ayaa taageerey guddiyada, waxayna codsadeen in la ansixiyo maadaamaa waqtiga uu yahay mid cariiri ah.

Xubnaha guddiga Federaalka iyo Xudduudaha

  1. Siciido xasan Cusmaan
  2. Cabdiqaalid Cabdullaahi Xamse
  3. Abuubakar Sheekh Cali Ibraahim
  4. Cabdullaahi Gacal Cabdi
  5. Liibaan Cali Sahal
  6. Muuse Waxgarad Cabdulle
  7. Maxamed Muxyadiin Mursal
  8. Xuseen Xaashi Xasan
  9. Khaliif Cabdikariim Maxamed

Magacyada guddiga doorashooyinka Qaran


1. Siciid Xaashi Warsame
2. Maxamed Xasan Taani
3. Xuseen Aadan Cali
4. Sayid Cali Sheekh Maxamed
5. Maxamed Axmed Nuur
6. Cabdiraxmaan Cusmaan Dirir
7. Maxamed Daahir Maxamuud
8. Xaliimo Ismaaciil Ibraahim
9. Khadiijo Cosoble Cali

 

 

Goobjoog News