U bood dhigaalka

Puntland Oo Ciidamo Ku Daabushay Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa la sheegay in ciidamo badan ay geeyeen magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug, kuwaasi oo ka dheeri ah kuwii horay u joogay degmadaasi.

Muxudiin Yuusuf Samatar oo ah gudoomiyaha Xaafadda Howlwadaag, magaalada Gaalkacyo ee Galmudug ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in ciidamadaasi ay soo gaareen magaaladaasi.

Waxa uu sheegay Gudoomiyaha in ciidamadaan sida loo dhigayo warka aysan ahayn, hase ahaatee ay yihiin ciidamo Garoowe kasoo gadooday waa sida uu hadalka u dhigaye.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in amniga uu yahay mid hagaagsan, waxaana meesha uu ka saaray in ciidamada Puntland la dejiyay halka kala qeybisa Labada maamul ee magaalada Gaalkacyo.

“Waxaan idiin sheegayaa ciidamo wey jiraan Puntland ka tirsan oo Gaalkacyo yimid, laakiinse waxaan maqalnay in ay yihiin kuwo kasoo gadooday Garoowe, anagane wixii dhexdooda ah shaqo kuma lihin, midda kale waxaan idiin sheegayaa ma aanu maqal ciidan qalqal ku beeraya gobalka oo yimid, ammaankana waa mid wanaagsan” ayuu yiri gudoomiyaha.

In kastoo mas’uuliyiinta gobalka Mudug u kala qaabilsan Galmudug iyo Puntland ay beeniyeen in ciidamo Labada dhinac ah isku hor fadhiyaan Gaalkacyo ayaa hadana waxaa jira warar sheegaya in halkaasi dhaq dhaqaaq ciidan laga dareemayo.

Goobjoog News