U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Sarkaal Ka Tirsanaa Wasaaradda Beeraha Oo Lagu Dilay Afgooye

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobalka Shabellaha Hoose ayaa ku waramaya in Goor dhaw koox hubeysan ay halkaasi ku dileen Sarkaal ka tirsanaa wasaaradda beeraha Xukuumadda Soomaaliya xafiiskeeda degmadaasi.

Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen sarkaalkaan oo lagu magacaabayay Maxamed Gurufaay, waxaana ay ku dileen Bartamaha Afgooye, iyagoo halkaasi ka baxsaday.

Goobta dilka uu ka dhacay waxaa gaaray ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya iyo AMISOM, kuwaa oo baaritaan wada.

Maamulka degmada Afgooye oo aynu xiriir la sameennay si aynu faah faahin uga helno inooma suurta gelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News