U bood dhigaalka

Cabdiweli Gaas “Xuduuda Puntland Waxay Noqon Godinlabe Iyo Guriceel”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha maamulka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyay munaasabadda 1-da Luuliyo oo lagu qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dheeraaday ka hadlay shirka Cadaado iyo sidoo kale eedeynta dowladda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu sheegay Gaas in marnaba aanay Puntland u dulqaadan doonin, daandaansi uu sheegay in laga wado magaalada Cadaado, islamarkaana lagu xadgudbayo dhulka Puntland.

“Waxa ka socda Cadaado ma ahan wax saxan, maxaa yeelay waxaa lagu sheegtay dhul maamulkaasi la dhisayo aanu shaqo ku lahayn, sidoo kalena Puntland waxay cadeynaysaa in aysan diyaar u ahayn kala geynta Soomaali, laakiinse ma aqbli donno sheegashada dhulkeena” ayuu yiri Gaas.

Sidoo kale waxa uu tilmaamay Madaxweynaha Puntland hadii ay runta gaarto in xuduuda aysan noqon doonin Nugaal, ee ay noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel.

“Wey ogyihiin in aysan xuduudooda noqon karin Nugaal, laakiinse waxaa hubaal ah marka ay runta tagto in aysan xuduuda Nugaal noqoneyn, balse ay noqon doonto Godinlabe iyo Guriceel” ayuu yiri Gaas.

Ugu dambeyn Cabdiweli Maxamed Gaas ayaa sheegay hadii sida hadda dowladda wax u wado ay kusii socdaan in Puntland ay aayaheeda ka tashan doonto waa sida uu hadalka u dhigaye.

Puntland ayaa kasoo horjeestay dhismaha maamulka Galmudug, waxaan ay ku sheegeen mid hareer marsan Dastuurka KMG ee dalka u yaalla.

Goobjoog News