U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar: Dadkii Ka Yimid Yemen Oo Gurmad Uga Baahan Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Dalka

Dhawaan waxaa dalka kusoo laabtay shacab Soomaaliyeed oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, waxaana dadkaasi ay yimaadeen meelo badan oo ka mid ah gobalada dalka.

Magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka ayaa ka mid ah meelaha shacabka ay soo gaareen, waxaana jira dad badan oo xaalad nolol xumo ah ay hayso.

Xarunta dhexe ee Idaacadda Goobjoog waxaa soo booqday dad u badan Haween, kuwaasi oo ka mid ah dadkii kasoo cararay dagaallada Yemen, waxaana ay ka sheekeeyeen nolosha ay hadda ku sugan yihiin.

Dadkani ayaa sheegay in aysan haysan raashiin ku filan, hoy iyo sidoo kale adeegyada uu u baahan yahay qofka bini’aadamka ah.

Waxa ay sheegeen in dad Soomaaliyeed oo qaarkood aqoon badan u lahayn ay isaga soo dageen, hadana ay ciriir ku tahay dadkani nolasha.

Waxa ay shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda Federaalka ay ka dalbadeen in wax loo qabto, islamarkaana laga saacido wax ay cunaan iyo sidoo kale meel ay ku hoydaan.

Qof walba oo Soomaaliyeed misane wax awooda waxaa waajib ka saaran in uu u diir naxo dadkaan Soomaaliyeed ee dalkooda ka maqnaa in ka badan 20-ka sano, hadana ay hayso xaaladda adag.

Goobjoog News