U bood dhigaalka

Imisaa La Diley : Tirada Dadka La Diley Bisha June, 2015

Dalka Soomaaliya oo ay dagaalo ka dhacayeen dhowr iyo labaatankii sano ee lasoo dhaafey ayaa waxaa caadi iska noqdey dilka dadka, gar iyo gardaraba, waxaana intaasi sii dheer in ay aad u yartahay garsoorka ay helaan dadka dhibanayaasha ah ee la diley ama la dhaawacay.

Waxaa laga yaabaa in aan soo wada koobi weyno dhamaan dilalkii dalka ka dhacay, waxaanse halkani kusoo uruuriney inta badan dilalkii dhacay bishii June 2015-ka, intii aan haleelney.

Sida ku cad tirakoobka aan sameyney illaa 144 qof ayaa siyaabo kala duwan dalka loogu diley, halka dad aad u badana la dhaawacay.

Dadka la diley waxay isugu jiraan mas’uuliyiin xilal sarsare ka hayay dowladda, waxaa jira dad ganacsato ah, culumaa’u diin, haween, iyo saxafiyiin ah, waxaase dadka la diley ugu badan askarta ka tirsan dowladda iyo maamulada dalka ka jira.

Haddii si kale loo dhigo waxa tirakoobka uu muujinayaa in celcelis ahaan maalin kasta 2 lagu dilayay dalka bishii Feberaayo.

Waxaa shaxda idiinka muuqan doona in dadka loo yaqaano biro ma geydada ay soo kordhayaan dilalkooda sida haweenka oo kale oo iyagu horaan aanan loo dili jirin, tanina waa walwal cusub oo soo kordhey.

Inta badan waxa ay ku dambeeyaan weedha ah “Koox aanan heybtooda la garanaynin ayaa dilka geysatay”, aad ayayna u yartahay dadka inta fal geystaan caddaalada la hor keeno.

Hadaba xaga hoose ayaan kusoo koobney falalkii dhacay bisha nofeember oo oo taariikheysan, magacyada dadka la diley iyo waliba meelaha lagu kala diley iyo qaabka loo diley.

Tirada Dadka La Diley ama La Dhaawacay Bishii June

June 10, 2015: Labada ruux oo magacyadooda lagu sheegay Nuuriya Cali Mucalim iyo Aamino Xeydar, kana tirsanaa Maamulka Magaalada Baydhabo ayaa lagu dilay magaaladaas, lama sheegin sababta iyo cidda ka dambeysay lakin Booliiska ayaa baaritaan bilaabay. Labadani qof ayaa u shaqeynayay dowladda.

June 13, 2015: Labo shil ayaa ka dhacay duleedka Boosaaso, Mid ka mid ah shilalka waxaa isku dhacay  Labo Waaraad, taas oo sababtay in hal qof oo Tabliiq ah iyo todobo kale oo ku dhaawacantay.

Shilka Labaad Baabuur Noaha ah ayaa isku dhacay, shilkan dambe waxaa ku dhintay labo gabdhood iyo ninkii darawalka ahaa, 7 kale oo dhaawac ah ayaa goobta laga qaaday.

June 13, 2015: Askari, kuwa lacagaha qaado ah ayaa nin Darawal ah ku dilay Degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir, ma cadda sababta lakin dadka deegaanka ayaa Goobjoog New u xaqiijiyay in ay ku murmeen lacag.

June 14, 2015: Taliyihii Guutada saddexaad ee Ciidamada Koofiyad Casta ee Somaliland, G/lle Siciid Cabdi Warsame ayaa xalay lagu dilay Degmada Ceeri-gaabo ee Gobolka Sanaag, iyadoo dilkan uu geystay askari Ciidamadiisa ka tirsanaa

June 14, 2015: Ciidamo dharka dowladda wata oo xaafadda MBC wax ka dhacay ayey is rasaaseyn dhex martay iyaga iyo Nabad sugidda, kooxdii dharka dowladda wax u dhacday hal qof ayaa laga dilay 3 kalana waa laga dhaawacay halka Nabad sugidda hal qof ka dhintay.

June 15, 2015: Qof rayid ah oo lagu dilay Beledweyn

June 16, 2015: Qarax ayaa waxaa la sheegay inuu burburiyay mid kamid ah Baabuurta ay saarnaayeen Ciidanka dowladda, waxaana ku dhintay sida aan Wararka ku heleyno 6-askari oo katirsanaa Ciidanka Nabad Sugida ayaa la dilay, halka ay ku dhaawacmeen afar askari oo kale.

June 17, 2015: Sargaal sare oo tirsan ciidamada nabad illaalinta midoowga Afrika oo magaciisa lagu sheegey Okello ayaa lagu dilay Tooratoorow, wuxuu noqonayaa mid ka mid ah saraakiishii ugu darajada sareysey ee laga dilo AMISOM, gaar ahaan Uganda, qaar ka mid ah wargeysyada Uganda ayaa qorey in sargaalkani uu horey oga mid ahaa jabhadda LRA ee dowladda dalkaasi ku kacsan ka hor intii uusan ku biirin ciidamada Uganda.

June 18, 2015: Qarax ayaa ka dhacay Agagaarka Hoolka shirarka Cadaado, 3 qof oo dadkii weerarka soo qaaday ah ayaa goobta lagu dilay.

June 19, 2015: Taliyihii ciidamada Nabad sugidda degmada Afgooye ayaa lagu soo waramayaa in uu u geeriyooday dhaawac shalay kasoo gaaray weerar la sheegay in rag hubeysan oo Isbaaro dhiganayay ku qaadeen gaadiid uu la socday.

Taliyaha oo lagu magacaabayay Liibaan Abukar Yuuyuu ayaa ku geeriyooday Isbitaalka habeenkii xalay ahaa, ka dib dhaawac halis ah oo soo gaaray.

June 20, 2015: Ugu yaraan 13 ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya ayaa ku dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerar ay Al-Shabab ku qaadeen degaanka Mukayga ee magaalada Afgooye.

June 20, 2015: Nin Nabadoon ah ayaa lagu diley magaalada Balad Weyne ee gobolka Hiiraan. Nabadoonkaan la dilay ayaa lagu magacaabayay Muumin Barre, waxaana la sheegay in dilkiisa ay ka dambeeyeen rag hubeysan

June 21, 2015: 10 qof ayaa la dilay, 12 dhaawac ah kadib markii weerar lagu qaaday guri ku yaallo Degmada Shibis, weerarka waxaa lala beegsaday iskuul lagu tababaro ciidanka Nabad sugidda.

June 21, 2015 Rag hubeysan ayaa waxa ay degmada Dharkeenley ku toogteen sargaal magaciisu yahay Anwar oo ka shaqeeya xafiiska Ra’isulwasaaraha Soomaaliya

June 24, 2015: 12 ayaa ku dhimatay halka 17 ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay Isbitaal Xoogga ee magaalada Muqdisho, qaraxani ayaa waxaa lala eegtey kolonyo baabuur ah oo ka tirsan safaaradda Imaaraadka ee Soomaaliya.

Waxaa la sheegey in safiirka Imaaraadka uu saarnaa mid ka mid ah gaadiidka, balse aysan waxbo soo gaarin.

June 24, 2015: Nin Tagsiile ah ayaa lagu dilay degmada Dharkeyley, ee gobolka Banaadir, dadkii dilay waa baxsadeen.

June 25, 2015: Dabley Hubeysan ayaa siyaabo kala duwan ugu dishay odayaal dhaqameed deegaano hoostaga degmada Baladxaawo, sida ay inoo sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Odayaasha la dilay ayaa lagu kala magacaabayay Xaaji Khamiis Daa’uud Mahdi iyo Xasan Cabdi Daa’uud, waxaana dilkooda dadkii ka dambeeyay la sheegay in dhanka Xadka Kenya ay kasoo talaabeen. Wararka qaar ayaa sheegayay in aano qabiil darteed loo diley.

 

June 26, 2015: Weerar lagu qaaday xero ciidamada AMISOM ee Burundi ka socda ay degenaayeen tuulada Leego ee gobolka Shabeelada Hoose ayaa lagu diley illaa 70 askari oo ka tirsan ciidamada Burundi, waxaana weerarkani ka dambeeyey dagaalyahada Alshabaab oo qabsaday tuulada.

June 26, 2015: Col. Mursal Geeddi oo ahaa taliyaha ururka koowaad ee ciidamada Jubbaland ee aagga Buulo Guduud ayaa ku dhintey qarax miino oo loo dhigey jidka xili uu kusii jeedey furumaha dagaalka Jubbada Hoose. Maamulka Jubbaland ayaa maalmo kadib sheegey in qof loosoo qabtay dilka dhacay.

June 28, 2015: Xarakada Al-shabaab ayaa Degmada Saakow oo ka tirsan gobolka Jubbada Dhexe ku toogtay saddex ruux oo ay ku eedeeyeen inay ahaayeen basaasiin u shaqeynayay hay’adda sirdoonka dalka Mareykanka ee CIA-da.

Saddexdan qof ee la toogtay ayay magacyadoodu kala ahaayeen; Max’ad Aadan Shuuriye, Maxamad Aadan Cusmaan iyo Mukhtaar Sh. C/raxmaan Sh. Maxamad ayaa la sheegay inay ahaayeen shabakad isku xiran oo u shaqeynayay ajnabiga.

June 30, 2015: Rag ku hubeysan Bistoolado ayaa la sheegay in ay dileen sarkaalkaan oo lagu magacaabayay Maxamed Gurufaay, waxaana ay ku dileen Bartamaha Afgooye, iyagoo halkaasi ka baxsaday.

June 30, 2015 : Mid ka mid ah odayaasha dhaqanka gobolka Galgaduud ayaa ciidamada AMISOM ee Itoobiya ka socda iyo kuwa dowladda ku eedeeyey in ay laayeen illaa 16 qof oo ay ka midyihiin macalimiin dugsi qur’aan.

Goobjoog ma xaqiijin karto jiritaanka warkaasi, hase yeeshee odayaasha aan kasoo xiganay warka ayaa ah kuwa lagu kalsoonyahay oo matala shacabka deegaanada ay wax ka dhaceen.

Macalin Maxamuud Cali Maxamuud oo ka mid ah salaadiinta gobolka Galgaduud ayaa Goobjoog u sheegey in deegaanada Ceel Qooxle iyo Ceel-la-heley oo ka tirsan degmada Ceel Buur bishii June 27-deedii lagu laayay dad tiradoodu ay gaareyso 16 qof.

Goobjoog News

 

 

Mawduucyada:Dilalka