U bood dhigaalka

Ciidamada Dowladda Oo Howlgal Dad Lagu Qabtay Ka Sameeyay Baladweyne

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta waxa ay howlgal ballaaran ka sameeyeen xaafado ka mid ah magaalada Baladweyne, iyaga oo soo qabtay dad lala xiriirinaayo in xiriir ay la leeyihiin Al-shabaab.

Howlgaladaan ayeey ciidanku ka sameeyeen xaafadaha Buundo weyn iyo howlwadaag ee Magaalada Baladweyne, waxaana lagu soo qabtay 6 qof.

Maxamed Cismaan Cabdi oo ah gudoomiyaha Magaalada Baladweyne ayaa u sheegay Goobjoog News in howlgalka uu ahaa mid bilawday saaka aroortii, islamarkaana uu ahaa mid ammaanka lagu sugaayay.

Waxa uu sheegay gudoomiyaha in dadka ay soo qabteen ay uga shakisan yihiin Al-shabaab, islamarkaana ay baari doonaan lana ogaan doono waxa ka jira in Al-shabaab ay ka mid yihiin.

Amaanka magaalada Baladweyne ayaa faraha kasii baxay wixii ka dambeeyay bilashada bisha barakaysan ee Ramadaan, waxaana hadda maamulka uu u muuqdaa mid doonaya gacan kusoo celinta amniga magaaladaasi.

Goobjoog News