U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Dhacay Magaalada Mandheera

Sheeko:Dalka

Beelo Soomaali ah ayaa lagu soo waramayaa in ay ku dagaallameen deegaanka lagu magacaabo Carabiya oo Ka tirsan magaalada Mandhera ee gobalka Waqooyi Bari Kenya.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaal beeleedkaan ku geeriyootay 9 qof oo dhinacyadii dagaallamay ah, iyadoona ay ku dhaawacmeen 6 qof, sida ay shaaciyeen dadka ku dhaqan magaaladaasi.

Maxamuud Saalax oo ah isku xiraha gobalka Waqooyi bari ayaa sheegay in beelahaan mid ka mid ah ay ka gudubtay Xuduudka Soomaaliya, islamarkaana ay la dagaaleen beel kale oo halkaasi ku sugneyd.

Lama oga uljeedka ay beelahani ku dagaallamayaan, hase ahaatee deegaanka lagu dagaallamay ayaa la sheegay in weli cabsida ay ka taagan tahay.

Sidaan kale waxaa xadka Soomaaliya iyo Kenya dhowr jeer oo hore ugu dagaallamay beelo Soomaaliyeed, oo qaarkood dhul daaqsin ah isku haysta.

Goobjoog News