U bood dhigaalka

Madaxweynaha Galmudug Iyo Ku Xigeenkiisa Oo Maanta La Dooranayo

Sheeko:Dalka

Magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud waxaa ka soconaysa diyaar garowgii ugu dambeeyay ee ku aadan doorashada madaxweynaha Galmudug iyo ku xigeenkiisa.

Maanta oo ay tahay Sabti 4-ta bisha July waxaa magaalada Cadaado ka dhacaysa doorashada, iyadoo xildhibaanada ay haatan kusoo qul qulayaan xarunta ay doorashada ka dhici doonta.

Sidoo kale musharaxiinta ayaa iyagu ku sugan howlka doorashada, iyadoona daqiiqado ka dib si toos ah loo bilaabi doono.

Waxaa xilka madaxweyne u taagan 6-musharrax, sidoo kalena waxaa ku xigeenka madaxweynaha u tartamaysa 6-musharrax kale.

Musharixiinta Madaxweyne

  1. Axmed Cabdisalaan
  2. Axmed Macalin Fiqi
  3. Cabdikariim Xuseen Guuleed
  4. Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid
  5. Maxamed Cilmi Afrax
  6. Xasan Maxamed Nuur Qalaad

Musharaxiinta Ku xigeenada

  1. Bashiir Diiriye Shariif
  2. Cabdulaahi Bashiir Cabdinuur
  3. Cabdulaahi Xaashi Warsame
  4. Cabdiqaadir Cabdulaahi warsame
  5. Maxamed Xaashi Carabeey
  6. Xasan Maxamed Warsame

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News