U bood dhigaalka

Madaxweyne Cabdikariin Guuleed “Waxaan Wada Hadal La Galeynaa Ahlu-sunna”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha cusub ee maamulka Galmudug Cabdikariin Xuseen Guuleed oo goor dhaw hadlay ayaa sheegay in wada hadal uu la galayo maamulkiisa maamulka Ahlu-sunna Waljameeca ee gobalada dhexe.

Waxa uu sheegay Guuleed si loo helo maamul loo wada dhan yahay islamarkaana shacabka u shaqeeya ay geed dheer iyo mid gaaban u kori doonaan xalinta tabashada Ahlu-sunna Waljameeca.

“Waxaan wada hadal la galaynaa Ahlu-sunna Waljameeca si loo xaliyo wax walba oo ay tabanayaan, loona helo maamul shaqeeya oo dadka u wada dhan yihiin” ayuu yiri Guuleed.

Sidoo kale madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in uu soo dhisi doono wasiiro tayo leh oo bulshada u shaqeeya, sidoo kalena waxa uu balan qaaday in uu la shaqeyn doono dhammaan musharaxiintii la tartamaysay.

Dhanka kale Guuleed ayaa ugu baaqay dhalinyarada ka midka ah Al-shabaab in ay fikirkaasi kasoo tagaan, islamarkaana ay ka qeybqaataan dib u dhiska Galmudug.

Cabdikariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ku guuleystay xilka madaxweynaha Galmudug, ka dib markii uu 49 cod ka helay xildhibaanada maamulkaasi, waxaana la tartamayay Axmed Macalin Fiqi.

Goobjoog News