U bood dhigaalka

Seddax Musharrax Oo Usoo Gudubtay Wareegga Labaad Ee Doorashada Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug

Sheeko:Dalka

Waxaa lasoo gaba gabeeyay wareega 1-aad ee doorashada madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ka soconaysa magaalada Cadaado.

Waxaa ku tartamayay Lix Musharrax, iyadoo Seddax ka mid ah ay usoo gudbeen wareega Labaad, maadaama ay ugu cod badnaadeen.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudu ayaa ku dhawaaqay Natiijada, waxaana muasharaxiinta soo gudbay ay kala yihiin.

  • Maxamed Xaashi Carabey oo helay 23 cod.
  • Bashiir Diiriye Shariif oo helay 20 cod
  • Xasan Maxamed Warsame oo helay 12 Cod.

Waxaa natiijada markii la shaaciyay la guda galay codeynta wareega Labaad ee doorashada, oo xildhibaanada Galmudug codeynayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala scoo wararkeena kale.

Goobjoog News