U bood dhigaalka

WAR DEG DEG AH:- Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Bilaabatay

Sheeko:Dalka

Goor dhaw waxaa magaalada Cadaado ee gobalka Galgaduud si toos ah uga bilaabatay doorashada madaxweynaha Galmudug, waxaana codeynanaya xildhibaanada Galmudug.

Guddiga doorashada ayaa sharaxaad waxa ay ka bixiyeen qaabka codeynta, waxaana bilaabatay doorashada madaxweynaha.

Lix Musharrax ayaa xilkaan ku tartamaysa, waxaana wareega 1-aad hadii uu musharrax helo cod ah 50% lagu daray 1, waxa uu noqonayaa Madaxweyne, hadii aysan dhicin waxaa loo gudbayaa wareega Labaad oo ay u guddbi doonaan Seddaxda Musharax ee ugu codka badan, hadii lagu kala bixi waayo wareega Labaad waxaa loo gudbi doonaa Kan Sedaxaad, iyadoo ay isku soo hari doonaan Labada Musharax ee ugu codka badan.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir ayaa ugu horeyn codeeyay, waxa la sugaana waa Wareega 1-aad iyo natiijadiisa.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News