U bood dhigaalka

Wareega Labaad Ee Doorashada Madaxweynaha Galmudug Oo Soo Gabagaboobay

Sheeko:Dalka

Wareega Labaad ee doorashada madaxweynaha Galmudug ayaa goor dhaw lasoo gaba gabeeyay, waxaana ku tartamayay Seddax Musharrax.

Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee codeynayay ayaa tiradoodu waxa ay ahayd 89 mudane, waxaana codeynta oo Sanduuq ahayd ay kusoo gaba gabowday jawi degan.

Musharaxiinta iyo codadka ay kala heleen.

  • Musharrax Axmed Macalin Fiqi oo helay 32 cod
  • Musharrax Cabdikariin Xuseen Guuleed oo helay codad gaaraya 42
  • Axmed Cabdisalaan oo helay 15 cod.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacali Casir ayaa ugu dambeyn ku dhawaaqay natiijadaan, waxaana wareega Sedaxaad ee doorashada isugu soo haray Musharaxiinta kala ah Axmed Macalin Fiqi iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News