U bood dhigaalka

Mas’uuliyiin Sarsare oo Kenya ka Tirsan oo Caruurtooda Alshabaab Ku Biireen

Sheeko:Dalka

Warar kusoo baxay jaraa’idka dalka Kenya ayaa tibaaxaya in carruur ay dhaleen mas’uuliyiin sarsare oo Kenya ah la la’yahay, loona badinayo in ay Alshabaab ku biireen.

Mid ka mid ah wiilasha baxsaday ayaa lagu magacaabaa Maxamuud Axmed oo sanadkii labaad jaamacadda Nairobi dhiganayay , waxaana wiilkani dhalay Dr. Yaasiin Axmed oo ah agaasimaha guud ee Madxafyada dalka Kenya, horeyna xilal kala duwan usoo qabtay.

Waxaa isna la baxsaday wiil kale oo ay qaraabo yihiin oo lagu magacaabo Maxamed Cabduwasaam oo isna dhiganayay jaamacadda Moi ee magaalada Nairobi.

Wararka waxa ay sheegayaan in xitaa dharkooda oo qoyan ay boorsooyinka ku gurteen, kadibna iibiyeen kumbuyuutaraadkooda si ay nooli u helaan, iyaga oo ku baxay si degdeg ah.

Ciidamada booliiska ayaa baaraya wiilashan oo la la’yahay illaa 21-dii bishii April ee sanadkan.

Mar sii horeysey todobaadkani agaasimaha waaxda argagixiso la dagaalanka Kenya Isaac Ochieng ayaa sheegey in ardeyda jaamacadaha Kenya qaar ay ku mushaaraad ka qaataan Alshabaab, taasina ay tahay dhibaato weyn oo amni oo kusoo bool leh Kenya.

Goobjoog News