U bood dhigaalka

Qarax Ka Dhacay Degmada Xamar Jajab Ee Magaalada Muqdisho (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Qarax Miino ayaa maanta ka dhacay Barxadda Shineemo Afrika degmada Xamar Jajab ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in uu ku xirnaa gaari uu lahaa askari ka tirsan hay’adda Nabad sugidda Qaranka.

Askarigan qaraxa lala eegtay ayaa lagu magacaabaa Cabdicasiis Cabdiqaadir Xabiib Muunye, waxaana gaari uu watay ee qaraxa ka ku xirnaa ahaa NOHA.

Muunye waxaa soo gaaray dhaawac xoogan oo dhanka hoose ah, isaga oo loola cararay mid ka mid ah Isbitaallada ku yaalla magaalada Muqdisho.

Gaariga la qarxiyay waxaa ka muuqanaya bur bur dhanka hore ah, iyadoo goobta qaraxu ka dhacay ay gaareen ciidamo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya, kuwaasi oo howlgallo baaritaan ah ka sameeyay halkaasi.

Ma jirto cid sheegatay mas’uuliyadda qaraxan, hase ahaatee mudooyinkii ugu dambeeyay ayaa magaalada Muqdisho waxa ay ahayd mid ka caagan qaraxyada sidaan oo kale ah.

Hoos ka daawo Sawiradda.

20150705_111211 20150705_111221 20150705_111242 20150705_111246 20150705_111252 20150705_111301 20150705_111328 20150705_111337

Goobjoog News