U bood dhigaalka

Wasiir Odawaa Oo Baaq u Diray Ahlu-sunna Waljameeca

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arimaha gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa oo maanta saxaafadda kula hadlay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ka dib markii uu kasoo laabtay magaalada Cadaado ayaa baaq waxa uu mar kale u diray Ahlu-sunna Waljameeca.

Waxa uu ugu horeyn wasiirka ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Cadaado oo uu sheegay in qaab wanaagsan ay kusoo idlaatay, isaga oo u mahad celiyay cid walba oo kaalin ka qaadatay qabsoomidda doorashadaasi.

Sidoo kale wasiir Odawaa ayaa mar kale Ahlu-sunna Waljameeca waxa uu ugu baaqay in ay kaalin ka qaadato maamulka Galmudug, islamarkaana ay u istaagaan sidii ay wax ula qeybsan lahaayeen bulshadooda.

“Ahlu sunna waxaan mar walba ugu baaqeynaa in ay dadkooda iyo dalkooda dhexda uga jiraan, walaalahood wax la qaybsadaan, waa in ay dowlad nimada dhexda ka galaan wixii xaquuq ah ay leeyihiin halkaas ka raadsadaan “ ayuu yiri wasiirka.

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa kasoo horjeeda maamulka Galmudug, waxaana dhawaan ay sheegeen in ay doorteen madaxweynahooda gobalada dhexe.

Goobjoog News