U bood dhigaalka

Cabdirishiid Xiddig “Shirkadda Talyaaniga Waxa ay Sidoo Kale Tababaro Ka Fulin Doontaa Muqdisho iyo Baydhabo”

Sheeko:Dalka

Isaga oo ka hadlayay heshiis ay kala saxiixdeen shirkad Talyaani ah oo lagu magacaabo CEPO iyo Maamulka Jubbaland ayuu wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Cabdirishiid Maxamed Xiddig sheegey in shirkadani ay sidoo kale dhalinyaro kumanaan ah ka tababari doonto dalka meelo kala duwan.

“Jubbaland waxay nasiib u yeelatay in barnaamijkani lagu bilaabo, hase yeeshee qorshahan waxa uu ka fuli doonaa magaalooyinka Muqdisho iyo Baydhabo” ayuu yiri Xiddig oo sheegey in tababarka loo fidinayo dhalinyarada ay tahay mid looga gol leeyahay shaqo abuuris.

Waxa uu intaasi ku daray dhalinyarada marka ay shaqo la’aan yihiin ay duruufta ku riixdo in ay ku dhaqaaqaan waxyaabo badan oo amniga qalqal galinaya.

Barnaamijka Hiigsiga cusub ayuu Xiddig codsaday in qeybta ay ku leeyihiin dhalinyarada si habboon looga siiyo kaalintooda.

Shirkadani oo fadhigeedu yahay dalka Talyaaniga ayaa Jubbaland u tababaraysa illaa 3 kun oo dhalinyaro ah lix bilood oo kasta, kuwaasi oo la barayo xirfado kala duwan oo ay ku shaqeysan karaan.

Waxaa shirkadda la siiyey dhul weyn oo ay xarun tababar ka dhisaan meesha loo yaqaano Dalxiiska ee magaalada Kismaayo.

Goobjoog News