U bood dhigaalka

Xildhibaanada Baarlamaanka Oo u Codeynaya Guddiyada Madaxa banaan ee doorashooyinka, Xuduudaha Iyo Federaalka

Sheeko:Baarlamaanka

Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo kulan uga soconayo xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ayaa haatan waxa ay kulan ku leeyihiin Xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyaga oo u codeynaya guddiyada madaxda Banaan ee doorashooyinka, Xuduudaha iyo Federaalka.

Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa horay isugu raacay in codeynta ay ahaato mid qarsoodi ah, iyadoona sidaasi ay u dhacday.

Mudanayaasha Baarlamaanka ee codeeyay ayaa tiradooda waxa ay gaaraysaa 187 mudane, waxaana sidaasi xaqiijiyay gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Xildhibaanada ayaa la siinayay Laba warqad oo kala midab ah, mid walbana waxaa ku qoran Guddiga iyo Magacyada xubnaha ka ah.

Codeynta ayaa ah mid shaqsi shaqsi loogu codeynayay, waxaana shaqsi walba Magaciisa ku hor yaalla Laba qaanad oo Haa iyo Maya ah.

Shaqsigii helaa codad gaaraya 94 mudane waxa uu wadanayaa shaqadiisa oo waa uu soo gudbay, laakiinse qofka aan helin codadkaasi waa uu ka harayaa guddiga.

Goor dhaw waxaa bilaaban doonta tirinta codadka, iyadoona warqadaha uu gacanta ku hayo gudoomiye ku xigeenka Labaad ee Baarlamaanka iyo 5 xildhibaan oo warqadaha ka eegaysa, iyadoo ugu dambeyn natiijada uu ku dhawaaqi doono gudoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News