U bood dhigaalka

Xukuumadda Federaalka “Cabashada Puntland ee Galmudug Waxaa Lagu Xalinayaa Hab Dastuuri Ah”

Sheeko:Dalka

Golaha wasiirada dowladda federaalka ayaa markii ugu horeysey ka hadlay cabasho kasoo yeertey maamul goboleedka Puntland oo ku aaddan dhismaha maamul goboleedka kale ee Galmudug.

Puntland ayaa sheegtey in aysan aqoonsanayn maamulka Galmudug, islamarkaasina u aragto cabaqad soo korortey, taasi oo horseedi karta colaado cusub, waxayna Puntland ka cabanaysaa arrin la xiriirta xuduudda Galmudug oo la sheegey in ay ku egtahay gobolka Nugaal.

Golaha wasiirada oo ka hadlay cabashada Puntland waxa ay sheegeen in hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka lagu xalin doono wax kasta oo cabasho ah oo ay Puntland qabto.

Marka ay hadalkani dhahayaan golaha wasiirada ayaa waxa ay imanaysaa xili shalay baarlamaanka federaalka uu ansixiyey guddiga madaxa banaan ee xuduudaha iyo arrimaha federaalka oo ah hey’ad dastuuri ah oo qaabilsan kala xariiqista xuduudaha maamul goboleedyada iyo dhameynta murunada la xiriira arrimaha federaalka.

Horey waxaa u jirey heshiis ay kala saxiixdeen Puntland iyo Ra’isulwasaare Cumar Cabdirashiid oo ku saabsanaa in xuduudaha Puntland ee jirey ka hor sameynta Galmudug aanan la farogalin doonin.

Goobjoog News