U bood dhigaalka

Kaspersky: Google iyo Mobilada Smart-iga ahi waxay dhibaato ku yihiin Xasuusta.

Daraasad cusub oo laga soo saaray xarunta cilmi baarista ee Kaspersky “ee teknolojiyadda  ayaa lagu sheegay in dhalinyarada qaan-gaarka ah ee ku xiran aaladda internetka inaanay awoodin intooda badani inay xasuustaan Nomberada telefonka  dadka ay saaxiibada yihiin , sidaas oo kale waalidiinta %71 ma xasuustaan telefoonada caruurtooda.

Daraasaddan la sameeyay waxaa ka qayb galay dadbadan , dadkii ka qayb galay kala bar waxay ahaayeen dhalinyaro da’doodu u dhaxayso 16-jir illaa 24-jir, waxaase jirtay inay telefoonadooda ku haysteen oo ay ku kayd sadeen  wax kasta oo ay u baahnaayeen inay xasuustaan .

Daraasaddan waxaa soo daabacday jariidada ” Daily Telegraph”ee dalka ingriiska ;waxaana lagu sheegay in dadka ingiriisku ay maanta haysato dhibaato ” Illowshiiyaha dhanka tirada ah “waxaan ugu wacan  sida xooga leh ee ay u isticmaalaan telefonada Smartiga ah iyo waliba aalaadda cilmi baarista ee Google, waxayna alaadahaasi sababeen inay dadku xasuusan waayaaan waxyaabo badan oo ay si sahlan ku xifdiyi jireen isla markaana si sahalan ay ku xasuusan kareen .

Illowshiyuhu waa iska caadi , wax walba inaad xasuusato waa laga fiican yahay oo la iskuma taxluujiyo, laakiin waxaa dhibaato ah markaad xasuusan waydo wixii aad sida aadka ah ugu baahanayd noloshana muhiim u ahaa, kalsoonida badan ee aan ku qabno aaladaheena  ku xiran internet-ka ayaa ka qayb qaadatay muhiimadii aan u lahayn inaa kaydinno  xasuusbadan.

Daraasad hore oo ay samaysay  Microsoft ayaa lagu sheegay  in dhexdhexaadka xasuusta aadanaha inuu hoos u dhacay 12-ilmiriqsi sanadkii 2000, ama wakhtigii bilowga kacdoonka Mobillada, laakiin hadda 8-ilbiriqsi oo kaliya ayuu gaarsiisan yahay oo hoos ayuu usii dhacay.

Daraasado kale oo la sameeyay sanadkii 2012-ka , ayaa lagu sheegay Afar meeloodoo sadex meel , in macalimiinta Dugsiyada sare ee dalka  ingiriisku ay sheegeen”in wakhtiyadii ay ardaydu xiisaha u lahaayeen casharka una soo jeedeen ay soo koobantay sidii horena ay ka a hoosayso , %94 ardaydii maanta  waxay aad u xiisanayaan internetka oo ay ka door bidayaan wax kasta .