U bood dhigaalka

Dadkii Ka Yimid Yemen Ee Muqdisho Soo Gaaray Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Wixii ka dambeeyay dagaallo culus oo ka dhacay dalka Yemen, waxaa dalka dib ugu soo laabanayay muwaadiniin badan oo Soomaaliyeed, kuwaasi oo hadda u baahan gurmad degdeg ah.

Maxamed Nuur Xasan oo ka mid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ee mudada halkaasi ku noolaa, islamarkaana caruur ku dhalay ayaa u sheegay Goobjoog News, in xaalad adag ay magaalada Muqdisho ku hayso isaga iyo Qoyskiisa.

Waxa uu sheegay in mudadii uu safarka kusoo jireen in ay dhibaato kala duwan oo dhanka nolosha ah la kulmeen, islamarkaana magaalada Muqdisho aysan wax ehel ah u joogin.

“Dad ii jooga magaalada Muqdisho ma leh, dadkeygii waan kala lunnay, meel aan dego ma haysto, ma leh nolosha qoyskeyga wax aan ku debaro, Yemen waan ku shaqeysan jiray, laakiinse dalka shaqo malahan” ayuu yiri Maxamed Nuur.

Ugu dambeyn muwaadinkaan Soomaaliyeed ayaa ka dalbday guud ahaan shacabka iyo sidoo kale guddiga gurmadka qaxootiga Soomaaliyeed in ay gacan u fidiyaan, waxna u qabtaan.

Dad badan oo kasoo cararay dagaallada ka socda dalka Yemen, kuna sugan magaalada Muqdisho iyo gobalada kale ee dalka ayaa xaalad adag oo dhanka nolosha ah xilligan haysaa, waxaana dadkaasi ay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Goobjoog News