U bood dhigaalka

Warbixin : Mushaarka Madaxda oo La Dhimayo %45 , Kan Shaqaalaha Rayidka ahna %25

Sheeko:Dalka

Kadib kulan ay axaddii (19-07-2015) yeesheen golaha wasiiradda oo uu shir guddoomiyey madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxaa lagu go’aamiyey in la dhimo mushaarka iyo waliba qarashaadka ku baxa dowladda si looga soo kabsado hoos u dhaca ku yimid miisaaniyadda dalka.

Wasiiru dowladda maaliyadda federaalka Cabdullaahi Maxamed Nuur ayaa Goobjoog News uga warbixiyey sida ay u dhacayso arrinta dhimista qarashka iyo mushaaraadka dowladda ku baxa.

Wasiirka waxa uu sheegey in inkasta oo dakhliga gudaha uu kordhey %30, haddana wali uusan daboolin baahida dowladda maadaamaa lacagtii laga filayay beesha caalamka aanan la helin lixdii bilood ee lasoo dhaafay, islamarkaasina aanan wax rajo ah laga qabin lixda bilood ee soo socota in la helo, sidaasi darteedna ay dowladda ku qasbanaatay in ay isku filneysiiso dakhliga gudaha.

Sida uu qabo sharciga maaliyadda ee Soomaaliya, lix bilood oo kasta waa in dib u eegis lagu sameeyaa dhaqaalaha iyo miisaaniyadda dalka, kadibna la waafajiyaa hadba sida ay wax yihiin, sidaasi darteedna wasiirka waxa uu sheegey in kadib cilmi baaris la sameeyey in golaha wasiirada la horgeeyey hindise cad oo wax looga badalayo miisaaniyadda dalka.

Mar uu ka hadlayay sida ay shaqaalaha dowladda u saameyneyso mushaar dhimista ayuu yiri “Shaqaalaha lixdii bilood ee lasoo dhaafay waxa ay qaateen 30% oo kaliya mushaarkii ay ahayd in ay qaataan, lixda bilood ee soo socota waxa ay qaadan doonaan 75% mushaarka u qoran, boqolkiiba 25% ayaa laga jaray” ayuu yiri wasiirka.

Waxa uu intaasi ku daray in dadka mushaaraadka laga jarayo aysan ku jirin ciidamada.

Dhanka Xafiisyada sarsare ee dowladda sida wasaaradaha, golaha shacabka, iyo waliba madaxda dalka iyo siyaasiyiinta ayuu sheegey in wax dhimista ay intaasi kasii badantahay “Waxay ku salaysantahay qaab boqoleey ah, tusaale ahaan xafiisyada madaxda sarsare, sida madaxtooyada, golaha shacabka, oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo golaha xukuumadda oo uu Ra’isulwasaaraha ugu horeeyo, dhamaan waxaa lagu saleeyey si wadajir ah in adeeggii waxa loo yaqaano Sahay-Safar iyo qarashka ku baxa shaqada la qabanayo in boqolkiiba 30% laga jaro, iyo in 18% laga jaro mushaaraadkooda” .

Hufnaanta

Wasiirka oo wax laga weeydiiyey eedeymo ah in ay jirto wax isdabamarin iyo hufnaan la’aan, ayaa waxa uu sheegey in wasaaradda ay xaqiijisey in shilin kasta oo canshuur ahaan ugu soo dhaca qasnadda dowladda uu gaaro halkii loogu talogalay, islamarkaasina maamulka maaliyadda Soomaaliya uu yahay mid nadiif ah.

Waxa uu tusaale usoo qaatay in wasaaradda maaliyadda oo kale ay ka shaqeeyaan illaa 500 qof, balse 3 qof oo kaliya lagu heley wax isdabo marin, kuwaasina sharciga lala tiigsaday “Horey waa u dhacday, waanan ka dabo tagnay, 3 kiis ayaa dhacday, xitaa ma oran karno waa xatooyo, balse waa isku day, tusaale ahaan waxay sameeyeen buugaag been abuur ah ee kuwa lacagta lagu qaato ah, midkii ugu horeeyey wuxuu lunsaday lacag gaaraysa $50 doolar, wuxuuna xirnaa muddo 7 bilood ah, midkii ku xigey wuxuu lunsaday lacag ah $45 doolar, wuxuu xirnaa muddo 3 bilood ah, kiis kale ayaa jira oo baaris ku socda, gorgortan kama galeyno lacagta shacabka leeyahay” ayuu yiri wasiirka.

Qorshahani ay ansixiyeen golaha wasiiradda ayaa waxa la horgeyn doonaa golaha baarlamaanka si uu u ansixiyo, kadibna waa la dhaqangalin doonaa.

Inkasta oo tani ay tahay faahfaahin rasmi ah oo wasaaradda maaliyadda markii ugu horeysey ka bixisey miisaaniyadda dalka, haddane wasaaradda ma aysan sheegin inta uu dhanyahay qarashka laga hadlayo in laga dhimo xafiisyada dowladda, kaasi oo ah halka ugu weyn ee farta lagu fiiqayo.

Shaqaalaha dowladda oo ay ku jiraan ciidamada ayaa mushaar la’aan ahaa muddo 4 bilood ah, iyada oo dowladda bishani ay biloowdey in ay mushaaraadka bixiso , balse shaqaalaha la siiyey mushaarka hal bil oo kaliya.

Goobjoog News