U bood dhigaalka

Gurmad Iyo Gargaar: Qaxootiga Yemen Ee Ku Sugan Qardho Oo Gurmad u Baahan

Sheeko:Dalka

Maamulka xarunta qaxootiga Yemen ee magaalada Qardho ayaa sheegay in dadka ku nool xeradaasi ay xilligaan yihiin kuwo u baahan gurmad iyo gacan qabasho dheeraad ah.

Sheekh Cabdulqaadir Yaasiin oo ah gudoomiyaha xeradaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in dadkaan intooda badan ay u gudbeen gobalada Koonfureed ee Soomaaliya, halka kuwo kalena ay ku hareen deegaanada Puntland.

Yemeniyiinta ku sugan magaalada Qardho ayuu sheegay in aysan haysan taageero badan oo ku aadan dhanka noloshooda ah, islamarkaana ay soo magan galeen shacabka Soomaaliyeed.

Dadka ku jira xeradaan ayaa u badan Haween iyo Caruur, waxaana maamulka Xerada uu sheegay in Puntland ay ku dadaashay sidii dadkaasi daryeel loo siin laha.

“Waxaa dadkani loo qabtay dhaqaatiir maalin walba la jooga, dawo waa la siiyaa, laakiinse waxa ay u baahan yihiin xilli walba dadaal xoogan in loo galo oo dadkaan loo gurmado” ayuu yiri Sheekh Cabdiqaadir.

Dalka waxaa ku sugan muwaadiniin badan oo u dhashay dalka Yemen, kuwaasi oo kasoo cararay dagaallada ka socda wadankooda.

Goobjoog News