U bood dhigaalka

Warbixin : Qaxootiga Yemen oo Xerooyin Looga Furayo Soomaaliya (Sawirro)

Sheeko:Dalka

Soomaaliya oo muddo dheer ka mid ahayd dalalka ugu badan ee soo saara qaxootiga, iyada oo xerada ugu weyn ee qaxooti adduunka ay dadka ku jira yihiin Soomaaliya ayaa waxaa markii ugu horeysey laga fikirayaa in la furo xerooyin qaxooti gudaha Soomaaliya oo lagu xareynayo dad dalalkooda kasoo qaxay, sida Yemeniyiinta.

Safaaradda Yemen

Goobjoog News oo todobaadkani dabogal dheer ku samaysay xaaladda dadka qaxootiga yeminiyiinta ah ayaa wareysi la yeelatay safiirka Yemen ee Soomaaliya Danjire Fu’aad Maxamed Al-Marsuuq , wuxuuna ka hadlay xaalada qaxootiga dalkiisa ka yimid.

Waxa aan ku booqanay xarunta safaaradda ee degmada Cabdicasiis, halkaasi oo bedka dhismaha laga taagay wax ka badan boqol teendho oo ay ku jiraan qoysas Yemen kasoo qaxay, isaga oo hadlayana waxa uu yiri “Halkani waxaa jooga wax ka badan illaa 200 qoys, oo qaxooti yemeniyiin ah, tiro kale oo ka badan kun qoys waxa ay ku suganyihiin deegaanada Puntland iyo Somaliland, dhamaantood waxa ay heleen dib u dajin, dhab ahaantii dadkani xaaladooda waxa ay ahayd mid aanan laga hadli karin, laakiin hadda waa mid wanaagsan, waxa ay helaan taageerada dowladda Soomaaliya iyo tan hey’adaha gargaarka”.

Xero Qaxooti

Safiirka ayaa waxa uu sheegey in ay sugayaan in ay la kulmaan Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid, islamarkaasina ay gudbiyeen codsi ah in xero qaxooti loo furo dadkani maadaamaa ay ka tan badanayaan gudaha safaaradda, maalinkastana dad cusub ay soo gaarayaan Soomaaliya iyaga oo kasoo baxsanaya dagaalada ka socda Yemen.

Dadka gudaha ku jira waxa ay helaan gargaar raashiin iyo waxyaabo kale oo daruuriyaad ah, kaasi oo aanan balse joogto ahayn, waxaana ay indhaheenu qabanayeen meel jiko ah oo si wadar ah raashiinka loogu kariyo dadka gudaha degen, balse waxaa jira qoysas iyagu karsada raashiinkooda.

Intii aanan galin safaaradda waxaan banaanka ku marnay dad badan oo saacado badan meesha taagnaa oo loo diidey in ay gudaha galaan, waxayna dadkani sheegayaan cabasho ah in aanan la qaabilin, safiirka Fu’aad Al-Marsuuq ayaan weeydiney sababta dadkaasi loogu diidey in lagu biiriyo kuwa gudaha lagu xanaaneeyo, wuxuuna yiri “Kuwaasi waa Soomaali, qaxooti ayay ku ahaayeen Yemen, waxayna doonayaan in ay iska dhigaan Yemeniyiin, taasina sax ma ahan, kumana biirin karno dadkani qaxootiga ah ee u baahan gurmadka, ee aanan dalkooda joogin”.

Xaliimo Cabdi waxa ay ka midtahay dadka Muwaadhiniinta Yemeniniinta ah ee safaaradda dhex degen, waxa ay tiri iyada oo Goobjoog la hadlaysa “Inta waxaa ku nool odaga ilmahayga abkoowgeyga oo waayeel ah iyo labo gabdhood oo isagu awoow u yahay, xaggana aniga iyo ilmahayga kale ayaa ku nool, caruurteyda noloshooda waa iska fiicantahay 90% laakiin waxbarasho ma heystaan”.

Haweeneey kale oo carruurteeda 5ta ah dhar u dhaqaneysay markii aan la kulmeyney ayaa noo sheegtey in marka uu roobka soo do’o aysan heysanin gabbaad fiican maadaamaa teendhooyinka ay kusoo daroorimayaan.

Markii aan si dhow ugu sii kuurgalnay xaaladda waxaan ogaanay in baahiyaha ugu badan ee dadkani heysta ay yihiin waxbarasho la’aan, caafimaad la’aan, in aysan jirin wax gargaar ah oo joogto ah oo meel u saaran, iyo waliba meesha ay degenyihiin oo ah goob amni oo darbi dheer ku wareegsanyahay, sidaasi darteedna dhaqdhaqaaqooda uu xaddidanyahay.

Qardho

Meelaha ay dadka Yemeniyiinta ah joogaan ee kale waxaa ka mid ah magaalada Qardho ee Puntland halkaasi oo dhismaha jaamacadda Bariga Afrika ay ku jiraan illaa 400 qof oo 40% ka mid ay caruur yihiin, kuwaasi oo 6 ka mid ah aysan la soconin waalidiintooda sida uu Goobjoog News u sheegey Sheekh Cabdiqaadir Yaasiin oo mas’uul ka ah qaxootigan.

Dadkani baahidooda koowaad ee degdegta ah waa meel ay degaan maadaamaa jaamacadda ardaydii fasaxa ku jirtey ay hadda soo laabanayaan, dibna u furmayso muddo gaaban gudaheed, “Waa run koowda bisha sagaalaad ayaa qorsheysan in jaamacadda dib loo furo, waxaa lagama maarmaan ah in inta aanan bishaasi la gaarin dadka loo qorsheeyo meel la dajiyo, maadaamaa ay tahay in jaamacadda la dayactiro ugu yaraan todobaad ama ka badan ayaa loo baahanyahay in dadka laga sii saaro ka hor furitaanka” ayuu yiri mas’uulkan.

18kii bishan July waxaa xaruntan jaamacadda Bariga Afrika booqdey Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirashiid, wuxuuna balanqaaday in dowladda Soomaaliya ay wax ka qaban doonto xaaladda dadkan.

Isaga oo la hadlayay dadka qaxootiga Yemeniyiinta ah ayuu yiri “Waxaan rabaa in aan idiin sheego in aad u timaadeen dad walaalihiin ah, dhibkan hadda idin heysta ee ah in caruurtiina ay iskool hesho, in aad caafimaad heshaan , runtii in aad ka mid noqotaan ummaddan waan ku dadaalaynaa, hey’adda qaxootiga qarankana waxaan ugu baaqaynaa in ay intana xarun ka furato, sida ugu dhaqsiyaha badana anaga iyo iayagaba aan ka wada shaqeyno”.

Waxa uu balanqaaday in dadka loo cabbiri doono dhul xero qaxooti laga sameeyo si halkaasi ay u degaan inta dalkoodii ay kaga laabanayaan ama xal kale looga helayo.

Sheekh Nuur Baaruud Gurxan oo madax ka ah guddiga badbaadinta iyo samotibixinta qaxootiga Soomaaliyeed ee Yemen ayaa qadka taleefoonka Goobjoog News ugu sheegey in dowladda Soomaaliya ay tahay in ay aqoonsi qaxootinimo siiso dadka reer Yemen ee Soomaaliya soo miciin bidey, kadibna loo calaameeyo xero la dajiyo si noloshooda ay horey ugu sii wataan.

Tan iyo intii dagaalada iyo duqeymaha ay ka biloowdeey Isbahaysiga Sucuudiga uu horkacay ay ka wadaan dalka Yemen waxaa guryahooda ka qaxay illaa nus malyuun qof oo Yemeniyiin ah, inkasta oo badankood ay dalkaasi gudihiisa ku barokaceen, ayaa haddane waxaa jira kumanaan xuduudaha kasoo talaabay, soona gaaray dalal ay Soomaali ka midtahay.

Yemen waxaa muddo 25 sano ka badan ku noolaa rubuc malyuun Soomaali ah oo halkaasi xerooyin qaxooti looga sameeyey, balse markii ay dagaalada dhaceen dadkii ayaa bilaabay in ay dalkoodii dib ugu soo laabtaan.

Hadda dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa hey’adaha samofalka iyo tan qaramada Midoobey ee qaxootiga ayaa ka fikireysa sidii ay u martigalin lahayd qaxootiga yemeniyiinta ah, looguna samayn lahaa xerooyin qaxooti, balse tani waa culeys weyn oo soo koraya dowladda oo markii horaba u maaro la’ayd dib u dajinta dadka Soomaaliyeed ee Yemen kasoo laabanaya.

W/D : Cabdinaasir Saxansoxo , Munasar Maxamed Cabdi iyo Cawil Jaamac

Sawir Qaade : Maxamed Xuseen Qalinle

Goobjoog News

IMG_6167 IMG_6166 IMG_6164 IMG_6163 IMG_6162 IMG_6161 IMG_6160 IMG_6159 IMG_6158 IMG_6157 IMG_6156 IMG_6155 IMG_6154 IMG_6153 IMG_6152 IMG_6151 IMG_6150 IMG_6149 IMG_6147 IMG_6146 IMG_6145 IMG_6144 IMG_6119 IMG_6118 IMG_6102 IMG_6101 IMG_6100 IMG_6099 IMG_6094 IMG_6093 IMG_6091 IMG_6090 IMG_6089 IMG_6064 IMG_6063 IMG_6062 IMG_6050 IMG_6049 IMG_6048 IMG_6046