U bood dhigaalka

Mamulka Puntland Oo Sheegay In Dib u Habeyn Casri Ah Ay Ku Sameynayaan Maxjarada Ku Yaalla Deegaanadooda

Sheeko:Dalka

Maamulka Puntland ayaa sheegay in qarash badan ay ku bixin doonaan hagaajinta iyo dib u habeynta maxjarada ku yaalla deegaanada maamulkaasi ka arrimiyo.

Wasiirka wasaaradda xanaanada xoolaha ee Puntland Cabdi Jamaal Cismaan ayaa sheegay in ka wasaarad ahaan ay wadaan qorsheyaal badan oo ku aadan ka ganacsiga xoolaha iyo sidoo kale qalabeynta Maxjarada.

Maxjarada qaar ayuu sheegay in dad Ajaaniib ah ay Shirko ku yihiin, taasi oo uu sheegay in ay ka dhigan tahay in Soomaalida wax lala wadaagi karo.

“Anaga waxaan ka talineynaa in sida ugu dhaqsiyaha badan aan kusii qalabeyno Maxjaradeena, in aan la shaqeenno ganacsatada xoolaha, waxaana ka wasaarad ahaan ku howlannahay in qaab casri ah loo maro hanaanka ka ganacsiga xoolaha” ayuu yiri Wasiirka.

Ugu dambeyn wasiir Cabdi Jamaal ayaa ugu dambeyn sheegay in ay soo dhaweynayaan in cid walba oo ganacsi ka abuurto deegaanada Puntland, gaar ahaan shirkadaha isku howlay dhoofinta xoolaha.

Goobjoog News