U bood dhigaalka

Sooyaalka Qarxyada Hotel Jaziira

Sheeko:Dalka

Maanta waxaa qarax aad u weyn lala eegtey hoteelka caanka ah ee ee Jazeera , Goobjoog News waxa ay halkani idiinkugu soo gudbineynaa taxanaha weerarada lagu qaaday hoteelkani oo ah kan loogu sugista badanyahay amnigiisa, iyada oo xitaa si joogto ah loo xirey seedka wadada aadda Garoonka inta xigta hoteelka.

Qarixii ugu horeeyey, uguna caansanaa waxa uu dhacay labo maalin kadib markii la doortey madaxweyne Xasan Sheekh, xiligaasi oo uu shir jaraa’id ku qabanayay gudaha hoteelka. Hadaba akhriso xogta oo dhameystiran.

September 12, 2012: Al-shabaab ayaa sheegatay qaraxyo iyo Rasaas lagu weeraray Hotel Jaziira oo uu ku jiray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo labo maalin doornaaa.

Qaraxa oo ahaa kuwo aad u xooggan ayaa waxaa fuliyay labo nin oo naftood hurayaal ah kuwaasoo midkood isu dayay inuu ku galo ilinka hoteelka laga galo balse ilaalada ayaa toogtay ninkaasi oo markii dambe is qarxiyey . Inta laga warhayo ilaa 8 ruux ayaa dhimatay oo 6 ka mida ay ahaayeen ciidamada Dowladda iyo askari AMISOM ka tirsan halka labada kale ay ahaayeen dagaalyahanada Alshabaab ee weerarka is qarxinta soo qaaday.

January 1, 2014: ku dhawaad 10-qof oo u badan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ayna ku jiraan labo sarkaal ayaa ku dhintay Labo qarax Ismiidaamin ah ee goor habeen ah ka dhacay Hoteel Jazeera ee magaalada Muqdishu.

Khasaare isugu jiray naf iyo maal ayaa ka dhacay Ismiidaaminta Hotel Jaziira, dadka goobtaas ku dhintay waxaa ku jiray sidoo kale dad rayid ah.

Dadka goobtaas ku dhintay waxaa ku jiray Taliyaha Ciidanka Booliiska Saldhiga Degmada Wardhiigley Cabdi Qani Axmed Gacal iyo taliya saldhigga Shibbis Mursal C/qaadir kuwaa oo goobta gaaray markii uu qaraxii hore dhacay balse ku dhintay qaraxa labaad ee ka dhacay afaafka hore ee Hoteelka Jaziira.

July 26, 2015: Qarax Ismiidaamin ayaa ka dhacay Hotel Jaziira, ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhimatay, dad kalana waa ku dhaawacmeen, Khasaaraha oo dhameystiran weli lama hayo lakin waxaa uu burbur soo gaaray dhismaha Hotelka, waxaa kaloo lagusoo waramayaa in Meydadka ilaa iyo hadda lasoo bixinayo.

Goobjoog News