U bood dhigaalka

Dowladda oo Soo Bandhigtey Sawirka Ninka Lagu Tuhunsanyahay Weerarkii Hoteel Jazeera

Sheeko:Dalka

Dowladda Soomaaliya ayaa soo bandhigtey sawirka nin dhalinyaro ah oo la sheegey in uu ahaa qofkii geystey qarixii ismiidaaminta ahaa ee lagu qaaday hoteel Jazeera 27-dii bishan July, 2015.

Ninkani ayaa magaciisa lagu sheegey Cabdirisaaq Buux, wuxuuna ka yimid magaalada Bone ee dalka Jarmalka.

Sawirro kale oo ay soo bandhigtey saxaafadda adduunka ayaa iyaguna muujinayay baarayaal ajnabi ah oo ka qeybgalay hawsha baarista qarixii ka dhacay hoteel Jazeera oo ay ku dhinteen illaa 15 qof, 30 kalana ay ku dhaawacmeen.

Qaraxyo iyo weeraro lagu qaaday hoteelo ku yaala magaalada Muqdisho ayaa lagu tuhmey dad qurba-joog Soomaali ah oo dalka dib ugu soo laabtay.

Goobjoog News