U bood dhigaalka

Obama “Uma Baahnin In Aan Ciidamadeena u Dirno Soomaaliya, Inta Ay Noo Joogto Itoobiya”

Sheeko:Dalka

Madaxweynaha Mareykanka Barack Obama oo booqasho ku jooga dalka Itoobiya ayaa dalkaasi ku amaanay dagaalka ay kula jiraan, Kooxaha uu ugu yeeray Argagixisada ee ku sugan dalka Soomaaliya.

Obama oo ka hadlayey sir Jaraa’id oo ay si wada jir ah u qabteen isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn ayaa intaa ku daray in Weeraradii Alshabaab ay is dhimeen sanadihii tagay tan iyo inta dalka Soomaaliya la keenay Ciidamada AMISOM.

Mar uu ka hadlayey Qaraxii ay dadka badan ku dhinteen ee Hotelk Jaziira waxaa uu sheegay in arinkaas ay  xasuusinayo in loo baahan yahay in kooxda Al-shabaab Cadaadis dheeraad ah la saaro.

Isagoo arinkaas ka hadlay waxaa uu yiri” Uma Baahnin in marines-keena aanu dirno dagaal, Itoobiyaanka waa dagaalyahano Qatar ah, sidoo kale Kenyaanka iyo Ciidamada Uganda, dhab ayey ka tahay dagaalka ay ku jiraan”.

Obama ayaa ku jira safar lugtii labaad ah uu ku marayo Geeska Afrika, waxaa uu si xishood ku jirto u soo hadal qaaday arinta Itoobiya lagu eedeeyo ee ku xadgudubka Xuquuqul Insaanka, Itoobiya waxaa lagu eedeeyaa Dilka, Dhaca, Xariga Saxafiyiinta iyo Mucaaradka gudaha dalkaasi ka jira.

Saxaafadda ayaa Obama ku dhaleeceysay markii uu Doorashadii May ka dhacday Itoobiya ku tilmaamay mid Dimoqoraadi ah, Doorashadaas Xisbiga talada haya ayaa ku guuleystay dhamaan Kuraastii, waxaa sidoo kale la caburiyay Mucaaradka iyo Saxaafadda.

Barack Obama waxaa uu sidoo kale xoogga saara inta uu joogo Itoobiya dagaalka Sokeeye ee Koofurta Suudaan, isagoo la kulmaya Madaxda Wadamada Kenya, Itoobiya, Uganda iyo Wasiirka arimaha dibadda ee Suudaan, Obama waxaa uu ku eedeeyay labada dhinac ee dowladda iyo Mucaaradka kuwoo Madax adag.

Madaxweyne Obama waa Madaxweynihii ugu horeeyay oo Mareykan ah oo booqda dalka Itoobiya, Waxaa maanta oo Talaado ah lagu wadaa in Khudbad u jeediyo 54-ka dale e Midowga Afrika, isagoo ka hadli doona xarunta Midowga Afrika ee Adis Ababa.