U bood dhigaalka

Ra’isulwasaare Cumar “Doorasho ay Shacabka Codeeyaan Kama Dhici Karto Dalka 2016”

Sheeko:Baarlamaanka

Ra’isulwasaaraha Soomaaliya Cumar Cabdirishiid Cali Sharma’arke ayaa maanta guddiga joogtada ee baarlamaanka u sheegey in aysan suurogal ahayn in dalka laga qabto doorasho shacabka ay codkooda dhiibtaan sanadka 2016-ka.

Isaga oo maanta hadal ka jeediyey kulan uu baarlamaanka lahaa ayaa waxa uu Ra’isulwasaaraha ku raacay hadal uu waxyar ka hor markaasi baarlamaanka u jeediyey xildhibaan Xoosh Jibriil oo madax u ah guddi hoosaad baarlamaanka uu u xilsaaray arrimaha 2016-ka, kaasi oo ahaa in iyaga iyo xukuumadda ay isku raaceen in wax doorasho ah aysan dhici karin 2016-ka

Ra’isulwasaaraha ayaa ugu horeyn kulanka u sheegey in aysan suurogal ahayn in shacabka ay codkooda dhiibtaan, sidaasi darteedna hadda la’isla meel dhigo waxyaabaha kale ee la samaynayo.

Sida uu ku waramayo wariyaha baarlamaanka ee Goobjoog, waxaa la’isla meel dhigey in maamul goboleedyada ay door ku lahaadaan qaabka looga gudbayo marxaladda hadda jirta, iyada oo mudada sanadka ee dhiman xukuumada ay wadatashiyo balaaran ka gali doonto qaabka ugu haboon ee isbadal uu ku dhici karo.

Kulankani ayaa imanaya xili maalinta bari ah lagu wado in magaalada Muqdisho uu ka furmo shir looga hadlayo hiigsiga 2016-ka.

Waxaa hadalkani kaga horeeyey guddoomiyaha baarlamaanka Maxamed Cusmaan Jawaari oo sheegey in doorasho guud aysan dhici karin sanadka 2016.

Goobjoog News