U bood dhigaalka

Shir Lagu Ansixinayo Dastuur oo Bari Ka Furmaya Kismaayo

Sheeko:Baarlamaanka

Wararka ka imanaya magaalada Kismaayo ayaa sheegaya in halkaasi ay ka socoto qabanqaabada shirweyne lagu ansixinayo dastuur loo qorey maamulka Jubbaland, kaasi oo lagu dhaqi doono maamulkaasi.

Shirkani oo ka furmaya xarunta ceymiska ee shirarka loogu talogalay ayaa waxaa ka qeybgalaya illaa 300 ergo oo iyagu u codeyn doona dastuurka Jubbaland oo dhawaan qoristiisa la dhameeyey.

Dastuurka ayaa waxaa laga talogaliyey dadweynaha, iyada oo la tashiyo dadweyne laga sameeyey magaalooyin dhawr ah oo ka tirsan sedexda gobol ee Jubbooyinka iyo Gedo, waxaana fan gareeysey hey’adda SSF.

Hawsha ansixinta ayaa waxaa lagu wadaa in ay soo gabogaboowdo 1-da bisha Agoosto eesanadkan.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa mar dhow saxiixay nuqul ka mid ah dastuurka.

Goobjoog News