U bood dhigaalka

WAR MURTIYEED AY WADAJIR U SOO SAAREEN MADASHA MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADA (MMD) IYO ISBAHAYSIGA QARANIMADA IYO DIMOQRAADIYADA (IQD)

Sheeko:Dalka

Iyadoo MADASHA MIDNIMADA IYO DIMOQRAADIYADU (MMD) tahay Madal iyo
Dallad siyaasadeed oo ay ku bahoobeen Ururro Siyaasadeed, Siyaasiyiin
iyo xubna ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Somalia oo ka
wakiil ah Umadda Somaliyed.
Iyadoo ISBAHAYSIGA QARANIMADA IYO DIMOQRAADIYADU yahay Isbahaysi iyo
Dallad siyaasadeed oo ay ku bahoobeen Ururro Siyaasadeed, Siyaasiyiin
iyo xubna ka tirsan Baarlamaanka Dawladda Federaalka Somalia oo ka
wakiil ah Umadda Somaliyed.
Iyadoo labada Madallood markay isla falanqeeyeen xaaladda Dalku maanta
ku sugan yahay, gaar ahaan, dhinacyada siyaasadda, nabadgelyada,
dhaqaalaha iyo arrimaha bulshada iyo hawlaha baaxadda weyn leh oo ina
horyaalla, waxay ku qanceen in Somalia la marin habaabiyey ayna ku
socoto waddadii burburka iyo dibudhaca. Sidaas darteedna waxay
caddaynayaan arrimaha hoos ku qoran:
Waxaan qiraynaa mabaadi’da ay xambaarsanaayeen barnaamijka Aragtida
2016 iyo Barnaamijka Higsiga Cusub oo ay Dawladda Federaalku ballan
qaadday inay guulo la taaban karo ka soo hoyiso dhinacyada Siyaasadda,
Dastuurka, Nabadgelyada iyo dhaqaalaha oo ay samayso isbeddel Dalka
gaarsiiya in la qabto doorasho xor ah oo xalaal ah 2016.
Waxaan ka xunnahay in madaxda hoggaanka u haysa Somalia ay ku
fashilmeen hirgelinta iyo horumarinta Dastuurka, mabaadi’dii ku
qeexnayd Aragtida 2016 oo ah qoraal ay Dawladda keligeed samaysay
ballanna ku qaadday hirgelintiisa bishii September 2013. Sidoo kale
waxay Dawladdu ku fashilantay ballamadii ay qaadday inay fulinayaan
Heshiisyadii Higsiga cusub oo ay galeen. Heshiisyadaas ay Dawladdu
gashay iyo ballamadii ay qaadday waxaa loola jeedey in lagu horumariyo
arrimaha siyaasadda, nabadgelyada iyo dhaqaalaha, lana gaaro guulo la
taaban karo oo Dalka u keena horumar iyo xasillooni siyaasadeed iyo
jawi lagu qaban karo doorasho xor ah oo xalaal ah 2016. Iyadoo qaabka
loo hirgelinayo barnaamijka Aragtida 2016 uu noqday mid ku kooban
Madaxda keliya uuna Madaxwynuhu ka dhigtay aalad uu awoodda si sharci
darro ah ugu maroorsado. Sidaas darteed, hab dhaqanka Madaxda Dawladda
waxaa ka aamin baxay daneeyayaasha siyaasadda Somalia iyo shacabka
Somalida.
Waxaan la fajacney sida aan gabbashada lahayn oo Madaxda Dawladdu u
maroorsatay nidaamkii lagu magacaabi lahaa Guddiyada Dastuuriga ah
taasoo shuhubeysey madax bannaanida iyo hufnaanta Guddiyadaas iyadoo
la geesmaray la tashidgii hay’adaha Qaranka ee Dastuurka ku meel
gaarka ahi jideeyey.
Waxaan caddaynaynaa oo u sheegeynaa Shacbiga Somaliyed in Guddi ku
sheegyadii dhowaan la dhoodhoobay oo ay ka mid yihiin Guddiga Madaxa
bannaan oo Doorashooyinka, Guddiga Xuduudaha, Guddiga adeegga
Garsoorka iyo shanta xubnood ee Guddiga Dastuurka ay dhammaantood
yihiin sharci darro mana waafaqsana Dastuurka ku meel gaarka ah.
Guddiyadaas looma samayn danta guud ee Ummadda Somaliyed sida
horumarinta nabadda, Dimoqoraadiyada, sinaanta iyo caddaalada. Laakiin
waxaa si khiyaama ah loogu samaystay in loogu adeegto qaab musuq
maasuq, caddaalad darro iyo cod ku shubasho ah.
Waxaan ka walaacsannahay in Madaxda Qaranku ku guul darraysatay inay
la timaado siyaasad ku dhisan niyad sami, wadatashi iyo isu tanaasul
siyaasadeed oo ay la yeelato Dawlad Goboleedyada iyo hey’adaha
siyaasadeed ee Qaranka iyo Bulshada rayadka ah.
Waxaan ku qanacsannahay in Madaxweynuhu uu ku guul darraystay
ilaalinta midnimada Qaranka iyo nabad ku wada noolaanshaha ummadda
Somaliyed. Xilkaas uu ku fashilmay waa kan dastuuriyan loogu idmaday
oo ay ahayd inuu fuliyo.
Waxaan cambaaraynaynaa dhaqanka keli talisnimada ee Madaxweynaha, amar
ku taaglayn iyo adeegsiga awoodo aan Dastuurku u bannayn, fara gelin
joogta ah oo uu ku hayo hay’adaha Qaranka sida Baarlamaanka, Garsoorka
iyo Hay’adda fulinta. Madaxweynuhu wuxuu boobay awoodii hawl fulinta
Golaha Wasiirrada oo dhalisay iska horimaad isaga iyo Ra’isul
Wasaarayaal dhawr ah, iyadoo ay si cad ugu qeexantahay Qodobka 97aad
ee Dastuurka ku meel gaarka ah in awooda fulinta ee Dawlada ay tahay
masuuliyada Golaha Wasiirrada. Xadgudubkaas Madaxweynuhu wuxuu keenay
in saddexdii sano ee la soo dhaafay lagu mashquulo dagaal iyo iska hor
imaad dhex mara isaga iyo Ra’isul Wasaarayaashiisa oo sababay in
hawlihii Dawladdu curyaamaan wakhti qaalli ahina dhumo.
Waxaan xaqiijinaynaa in samaynta Dawlad Goboleedyada ay dheehday danta
gaarka ah ee siyaasadeed ee madaxda Dawladda, daahfurnaan la’ aan iyo
iyadoon la isku hawlin dib u heshiisiin dhab ah. Qaabkan qaldan waxaa
ka dhashay colaad dhex marta beelaha wada dega iyo Dawlad Goboleedyada
taasi oo khatar gelineysa nuxurkii nidaamka Federaalka ee Dastuuriga
ah.
Waxaan hoosta ka xarriiqaynaa xaqiiqada ah inuu Madaxweynuhu ku
fashilmay dhiirrigelinta siyaasad loo dhan yahay taasi oo ku cad
Barnaamijka Aragtida 2016 iyo qoraallada Higsiga Cusub. Sida runta ah,
qayba ka mid ah yoolka nabadda iyo Dawlad dhisida (PSG1) ee Higsiga
Cusub ayaa si gaar ugu nuuxnuuxsanaya muhimada siyaasadda loo dhan
yahay, hanuuninta siyaasada iyo heshiis siyaasadeed oo lala galo
Dawlad Goboleedyada.
Waxaan la yaabbannahay baahsanaanta musuqmaasuqa iyadoo Madaxda
Qaranku xalaalaysteen xatooyada xoolaha Ummadda iyadoo la xadayo
lacagtii khasnada soo gashay iyo tan taalla goobaha dhaqaalaha
cashuurtu ka soo galo, iyadoo si sharci darro ah loo xaraashayo
dhulkii danta guud ee ahaa hantida Dadweynaha iyo iyadoo la bixinayo
qandaraasyo aan loo marin wax sharci ah.
Waxaan cambaaraynaynaa xadgudubka joogtada ah oo Dawladdu ku hayso
mabaadi’da xuquuqda aadanaha oo ku qeexan Dastuurka Kumeel gaarka ah,
iyadoo la hayo caddaymo aan la defiri karin oo ah in la iska xiro
dadka rayadka ah iyo shaqaalaha war baahinta, dad rayad ah oo maxkamad
ciidan xakuntay, iyo dil toogasho ah oo lagu fuliyey dad rayad ah oo
maxkamad militari xakuntay. Madaxda Qaranku waxay adeegsadaan
hanjabaado iyo caga jugleyn si loo cabburiyo mucaaradka, warbaahinta
xorta ah iyo in la joojiyo xorriyada hadalka.
IYADOO LA TIXGELINAYO QORAALKA KORE IYO ANNAGOO GARAWSAN MASUULIYAD
WADAREEDKA NAGA SAARAN BADBAADINTA DALKEENA.
Haddaba SIDAAS DARTEED,
MMD IYO IQD waxay la tahay in Dalkeenu halis ku jiro sababtuna tahay
fashilka ku yimid Madaxda Waddanka hadda maamusha iyagoo ku guul
darraystay hirgelinta ujeeddooyinka Dastuurka ku meel gaarka ah,
dhawrista midnimada iyo wadajirka, iyo hirgelinta agendaha Qaran ee ku
xusan qoraallada Barnaamijka Aragtida 2016. Baahida deg deg wax uga
qabasho ee arrimaha kor ku xusan awgood, MMD iyo IQD:
Waxay ku baaqaynaa in si wada jir ah loogu hawl galo siyaasad cusub oo
ay ka qayb qaataan dhammaan Somalida siyaasadda danaysa oo ay ku
jiraan Dawladda Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada, xisbiyada
siyaasadeed/Madallada iyo Bulshada rayadka ah si loo midoobo loona
yeesho hadaf midaysan oo si wadajir ah loogu hawl galo ka hortagga
khatarta Dalka ku soo fool leh.
Waxaan ugu baaqaynaa dhammaan daneeyayaasha siyaasadda Somalia inay
isugu yimaadaan gogol Qaran oo looga tashado aayaha Waddankeenna muddo
yar gudeheed, laguna qabto goob ay oggol yihiin dhammaan ka qayb
galayaasha gogoshu. Gogosha wada tashiga Qaran waxaa lagu gorfaynayaa
sidii loo horumarin lahaa siyaasad ku salaysan agenda Qaran oo u gogol
xaarta yagleelida Dawlad si dimoqoraadi ah loo soo doortay kuna
shaqaysa falsafadda ah in awoodda ugu weyn uu Dadku leeyahay.
Waxaan ugu baaqaynaa Bulshada Caalamka inay taageeraan wada hadal
siyaasadeed oo loo dhan yahay oo Somalidu hoggaamineyso ujeedadiisuna
tahay in la helo fikrad cusub oo mar kale diiradda lagu saarayo laguna
qiimaynayo Barnaamijka Aragtida 2016 iyo sidii loogu soo afjari lahaa
si caqli gal iyo suurta gal ah.
Dhamaad