U bood dhigaalka

UN-ka oo Ka Walwalsan Kasoo Qeybgal La’aanta Madaxweynayaasha Puntlan iyo Jubbaland ee Shirka Hiigsiga

Sheeko:Dalka

Shirka maanta ka furmey magaalada Muqdisho ee looga hadlayo hiigsiga cusub iyo waxa ka qabsoomay ayaa waxaanan kasoo qeybgalin madaxweynayaasha maamulada Jubbaland Axmed Madoobe iyo Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas.

120-ka ergo ee shirkaasi ka qeybgalaysa ayaa waxaa ka mid ah madaxweynayaasha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed iyo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Kasoo qeybgal la’aanta Gaas iyo Axmed Madoobe waxaa walwal ka muujiyey ergeyga gaar ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nicholas Kay oo tilmaamay in waji shaqo badan ay dhimantahay inta maamuladaasi ay maqanyihiin, wuxuuna yiri “Waxaan fileyney in ay shirkani nagala qeybgalaan dhamaan hoggaamiyeyaasha maamul goboleedyada , balse taasi ma dhicin, waana arrin niyad jab ah, inkasta oo dadaal badan loo galay in lagu qanciyo in ay kasoo qeybgalaan, waxayna maqnaanshahooda muujinaysaa baahida loo qabo in si dhaw loo wada shaqeeyo si loo helo Soomaaliya dhidibo adag ku taagan, mideysan oo horumartay”.

Sababaha maqnaanshiyaha Jubbaland iyo Puntland

Waxaa jira sababo kala gaar ah oo labadani maamul u maqanyihiin iyo ugu yaraan hal mid oo ay ka mideysanyihiin.

Tusaale ahaa Jubbaland waa tii xiriirka u jartay dowladda federaalka iyada oo cabasho ka ah mooshinkii uu baarlamaanka federaalka ansixiyey ee ka dhanka ahaa golaha wakiilada Jubbaland.

Puntland iyadu inkasta oo aysan xiriirka u jarin dowladda haddane waxa ay isku maandhaafsanyihiin arrinta la xiriirta maamul goboleedka cusub ee Galmudug oo ay Puntland sheegtey in uu ku dhisanyahay sifo sharci darro ah maadaamaa lagu saleeyey hal gobol iyo bar, halka dastuurka uu qabo 2 gobol iyo ka badan.

Waxa kale oo ay Puntland farta ku fiiqeysaa in dastuurkii horey loogu heshiiyey mid aanan ahayn oo qodobo laga badalay ay dowladda federaalka isticmaalayso.

Labada maamul waxa ay ka mideysanyihiin diidmada guddiyada madaxa banaan ee dhawaan baarlamaanka meelmariyey ee kala ah kan doorashooyinka qaranka iyo kan federaalka iyo xuduudaha, waxayna sheegayaan in aanan laga talogalinin samaynta labada guddi sida uu qabo sharciga.

Madaxweynaha oo ka hadlay maqnaanshiyaha Somaliland

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh ayaa isagu soo hadal qaaday maqnaanshiyaha Somaliland isaga oo muujinaya in cidda shirka uu quseeyo ee shirka ka maqan aysan kaliya ahayn Jubbaland iyo Puntland, isaga oo ka hadlayana waxa uu yiri “Waan ka xumahay in aysan Somaliland nagala soo qeybgalin shirka, laakiin dowladda federaalka waxa ay hubanti ka dhigi doontaa in dadka goboladaasi ay ka faa’iideystaan mashaariicda hiigsiga cusub, sanaddii 2013-kii, baarlamaanka Soomalaiya, beesha caalamka iyo maamul goboleedyada, dhamaan waxa ay isla ansixiyeen nidaam iskaashi ah oo ku dhisan isfaham iyo waxqabad, iyada oo la hiigsanayo gool hal gool oo laga mideysanyahay, kaasi oo ah in la gaaro Soomaaliya oo nabad ah, barwaaqo ah”.

Goobjoog News