U bood dhigaalka

Waxgaradka Gedo Oo Ku Baaqay In La Dejiyo Siyaasadda Jubbaland

Sheeko:Dalka

Waxgaradka ku dhaqan gobalka Gedo ayaa sheegay in guud ahaan siyaasada ka jirto gobalada Jubbaland aanay deganeen, islamarkaana loo baahan yahay in hadda dib u habeyn iyo dejin lagu sameeyo.

Garaad Cabdisalaan Malla oo ka mid ah waxgaradkaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in ka wax garad ahaan ay dalbanayaan in dib loo eego dhismaha maamulka Jubbaland, islamarkaana dowladda looga baahan yahay in fara gelin toos ah ay kusoo sameyso maamulkaasi.

Waxa uu tilmaamay in xilliga madaxweynaha Jubbaland uu haatan dhamaaday, islamarkaana ay dalbanayaan in la dhiso maamul la mid ah midka Galmudug loona maro qadadii loo maray waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Dowladda Federaalka waxaan leeyahay waa in aad maamulka Jubbaland aad u dhistaan qaabkii Cadaado oo kale, Axmed Madoobe waqtigii uu madaxweynaha ahaa waa uu dhamaaday waana in siyaasadda Jubbaland la dejiyaa oo qaab haboon loo wadaa” ayuu yiri Garaadka.

Ugu dambeyn Garaad Cabdisalaan ayaa ku baaqay in la qabto shir ballaaran oo dib u heshiisiin ah, si loo helo beelo isku calool wanaagsan, misane ka wada qeyb qaata dhisamaha maamulkaasi.

Goobjoog News