U bood dhigaalka

Golaha Shuurada Taalibaan oo Doortay Qofkii Badli Lahaa Mullah Cumar

Sheeko:Dalka

Golaha Shuurada Taalibaan ayaa maanta oo Khamiis ah u doortay Akhtar Mansuur Khalif in uu badalo Hogaamiyahoodii geeriyooday Mullah Maxamed Cumar.

Dad shirka ka qeyb galay ayaa u sheegay wakaaladda Reuter in shir ka dhacay Dibadda magaalada Kuweita lagu doortay Mullah Mansuur, Waxaa sidoo kale la filayaa in dhawaan uu golaha shuurada ay ka hadlaan doorashada.

Arabacii, Dowladda Afgaansitaan ayaa sheegtay in Mullah Cumar uu labo sano ka hor ku dhintay Karachi oo dalka Pakistaan 2013.