U bood dhigaalka

Heritage “Anaga Waan Ogeyn In Dalkaan Aysan Doorasho Hal Qof Iyo Hal Cod Ah Ka Dhacayn”

Sheeko:Dalka

Madaxa Xarunta Daraasaadka iyo Siyaasadda (Heritage) Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa sheegay in ay ka war hayeen in sanadka 2016-ka aysan dalka ka dhici karin doorasho Hal Qof iyo Hal cod ah, arimo badan oo jiray awgeed.

Waxa uu sheegay in hadda Federaalka uu ka jiro culeys xoogan, islamarkaana shirka ka socda magaalada Muqdisho aysan ka qeybgaleen qaar ka mid ah maamulada, sidoo kalena xisbiyada dalka ka jira qaarkood ay cabasho qabaan.

Markii lagu dhawaaqayay in 2016 ay dalka doorasho qof iyo cod ah ka dhacdo ayuu sheegay in ay ahayd mid laab la kac ah, islamarkaana Soomaalida aysan horay isugu tashan, sidoo kalena aysan muuqan kaalin cad oo caalamka arintaasi ka taagnaa.

“Gobalada dalka meelo ka mid ah ayaan tagnay shacab baan wareysanay anaga oo xog baaris wadna, dadka waxa ay inoo sheegeen in ay u baahan yihiin Federaal, laakiinse inooma sheegin qaabka Federaalkaasi, ma waxaa la rabaa maamulo iyo dowlad awood leh, mise maamulo xur ah iyo dowlad iska miskiin ah, anaga waxaan aamin sannahay in shacabka Soomaaliyeed kow ka yihiin dadka u baahan in wax la weydiiyo, dadka Xalane ku aruursan iyo kuwa shirka aan imaan masiirka hadaan doorasho dhici karin waxa ku xiga iyaga malahan, laakiin maadaama talada gacantooda ku jirto fikrado xalaal ah hadii ay keenaan waa la dhageysan doonaa, laakiinse muhiimadda waa in shacabka wax la weydiiyo” ayuu yiri Cabdirashiid.

Cabdirashiid Khaliif Xaashi ayaa dhinaca kale soo hadal qaaday mar hadii dowladda ay sheegtay in aysan doorasho qof iyo cod ah dhici karin in laga fikiro oo kaliya in la helo dowlad xalaal ah oo aan lasoo fara gelin qaab dhismeedka dowladdaasi, shacabkana la weydiiyo inta laga gaaro sida ay wax la tahay iyo dowladda ay u baahan yihiin.

Sidoo kale waxa uu ka digay in siyaasi ama shaqsi hadda xil haaya aanu dejin qaabka ay wax u dhici doonaan, Odayaasha dhaqankana aan awoodooda la dafirin iyadoo xildhibaan ama madaxweyne maamul gobaleed la eegayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News