U bood dhigaalka

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar “Rajada Aan Xamar Ku Arko Ma Wanaagsana”

Sheeko:Dalka

Professor Cabdi Ismaaciil Samatar oo u waramay Goobjoog News ayaa ka hadlay arimo badan oo ku aadan marxaladda haatan uu dalka marayo iyo waxa la filayo, isaga oo sheegay in talada dalka ay hadda kusoo foorarsatay shacabka Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in dalka ay ka taagan tahay siyaasad uu ku sheegay mid aan jiho lahayn, waxaana uu ka digay in dalka masiirkiisa dambe ay mar kale ka taliyaan siyaasiyiin hadda xilka haya iyo kuwo aan xilba hayn.

“Waxyaabaha socda rajadadooda iyo quruxdooda ma wanaagsan, waxa ay u taalla dadka Soomaaliyeed hadii ay ka seexdaan, qolooyinka doonaya in siyaasadda ku loolan tamaan oo kaliya hadii ay gooyaan aayahay qaranka Soomaaliyeed, waxaana is leeyahay ilaahay wax ka sokeeya rajo malahan, hadii dadka Soomaaliyeed ay oran waayaan waxaan waa waxa yagii, dowlad Soomaalinimo oo musuq lahayn, dadka u adeegta ayaan rabnaa hadii ay dadku oran waayaan, markaa waxay muteysteen wixii dul yimaada in ay ka raali noqdaa, marka rajada soc socota ee aan xamar ku arkaaya ma wanaagsana, Soomaalinimana uma wanaagsana, masaakiintana ma daryeeli doonto, laakiinse dadka ayeey u taallaa hadii ay ka aamusaan wixii la wato hade sidii kuwii hore looga dul keeni jiray baa kuwaanna looga dul keeni” ayuu yiri Professor -ka

Dhinaca kale mar uu soo hadal qaaday shirka ka socda magaalada Muqdisho ee Hiigsiga 2016-ka ayaa waxa uu ku sheegay mid aan waxba soo kordhin doonin waxaana uu tilmaamay in aysan meesha ka socon astaantii qaran dhab ah lagu dhisi lahaa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Hadii la lahaa markii hore 2012, waxaa laga baxay KMG-kii, maalin horena ay soo saareen qolooyinka dowladda sheeganaya in aysan cod iyo doorasho jiri doonin, wax cusub oo ay inoo sheegeen ma aheen ee wax dadku maleysanayay bay ahayd, laakiin astaantii qaran edeb leh lagu dhisi lahaa ma soco, waxa aysan u socon waxa weeyeen, halkaan Jazeera waa tii ay isku qabsadeen Koonfur Galbeed iyo Banaadir, waa taad la socotaa in la’isku qabsaday xadka Puntland iyo Galmudug, kuwo kale wey soo socdaan, Khaatumo waa la’isku haystaa, waqooyigiina meel ay ku joogaan lama oga, marka waxa weeyaan siyaasad Madax iyo Mijo lahayn oo laakiinse iimaan darro ayaa soo socota, bilaabatay, joogtayna, hadii dadka Soomaaliyeed ee isugu jiray dhalinyaro, aqoon yahay, waxgarad, haweenka wanaagsan hadii intay isku tagaan iyaga codkooda kala soo bixi waayaan iminka waxa Muqdisho ka socda waa inay u diyaar noqdaan wax walba oo dhakada laga saaro” ayuu hadalkiisa ku daray Professor Samatar

Magaalada Muqdisho waxaa ka socda shir ballaaran oo looga hadlayo hiigsiga 2016, waxaana dhawaan dowladda ay isku raacday in dalka aysan doorasho qof iyo cod ah ka dhici karin sanadka 2016.

Goobjoog News